Monday, April 25, 2016

Maansada qurux iyo dadnimo ley

Maansada qurux iyo dadnimo ley

Maansadan oo soo baxdey bishii 5/2014 kii waa maanso ka hadleysa jacayl ku talaxtagay ruux u tigtigan daraadeed iyo quruxiyo dadnimo ley. Taas oo uu alifay amaba curiyey Hal-abuurka da’da yar ee Sidiiq Jaamac Cubayd waxay ku bilaabmaysaa maansadu sidan:-

Maansadu dariiqiyo
Ilayn dawlamaro lee
Waxaan deelka xaraf raac
Hawraarta kuu daray
Waa dareen aan tabayee  

Saw dayr dhexdeedkii
Dalkoo wada barwaaqa
Daruur caashaq ima helin
Dibin daabyo ima badin

Saw dacar qadhaadh iyo
Deebaaq leef imuu odhan
Anigoon digniin qabin

Saw duruusta barashiyo
Dantii igama baylihin
Ilayn waaban diranee

Waxaan day dayaayeen
Aan u daalanaayeen
Darbiyada habeenkii
Hadba dibada u maraa

Waa dahab la moodyeey
Daymada jacaylkee
Saw  deeqa arag iyo
Ku il doogsi gaagani
Maaha doonis taadoon
Kugu daalay inan yahay

Diiftiyo xanuunkiyo
Doogta caashaq keeniyo
Dakhrada tan igu yaal
Alloo iga dulqaadiyo
Aduunbaa dawayn kara

Sida damal hadhwaynoo
Doog iyo ugbaadloo
Durdur iyo xareeduna
Dacalada ka marayaan
Maankayga deeqdee
Dulqaadkiyo xishoodkaad
Dumarkaba ku dhaaftaad
Kugu doortay aniguye
Daacad iyo wanageey
Doog iyo xareedeey
Darmaan taan jeclaayeey
Dahab xulashadiisaay
Dookh iyo jacaylbaa
Dushaydani ku hooroo
Adaan kuu dardhadayoo
Hogolbaa igu da aysee
Dugsi may isku noqonaa

Aan kula dardaarmee
Lama diido ruuxii
Wanaaagaaga doonee
Door bidaya xiisaha
 Inaad dadab wadaagtaan

 Ila noqo ul iyo diir
Dadka iga xig waligaa
Xaasid yuu ina kala dilin
Nacabkana u naqo dayr
Aan la igu dagi Karin

Dardar gali jacaylkoo
Sidaan kuugu diranahay
Adna ii daweeyoo
Siduu dookhu kuu rabo
Adna ii daryeeloo

Sidaan daacada u ahay
Hanka iigu deeqoo
Sidaan kaaga daba dhacay
Adna ii dadaaloo

Sidaan kuugu doodana
Adna ii daneeyoo
Ha I dayrin waligaa

Daa uus la mood yeey
Dayax soo iftiimiyo
Waagoo dilaacaay
Dumar ugu fil rooneey
Dahab iyo xariireey
Darmaan xoosh udhalataay

Qurux iyo dadnimo leey
Dabacsani hubqaadley
Daymada xishoodleey
Samir iyo dulqaadleey
Intu dilay jacaylkani
Ee u duugan awgii
Inta aan laygu darin

Daawadii naftaydaay
Aan is dada haynoon
Damaashaad ku ciidnee
Diiftiyo xanuun kiyo
Doogta caashaq keeniyo
Dakharada tan igu yaal
Allo iga dul qaadaadiyo
Aduunbaa dawaynkara

W.Curiyey Sidiiq Jaamac Ibraahim [cubeyd]

W.Q. M.Axmed (Geenyaale)

Hargeysa,Somaliland

Wednesday, April 20, 2016

Haweenka banaanka aadey iyo guurka

               Haweenka banaanka aaday iyo guurka.
                 -----------------------------------------------------------
                                  Qore:-M.A.Geenyaale.

"Rag abaartood waa Arin la'aan, dumar abaartoodna waa ilmo la'aan. Maah maah hore"


Koradhka ay sii kordhayaan shaqooyinka haweenku,waxa uu sii yaraynayaan guurkii iyo udub dhaxaadkii nolosha dunidu Ku dhisnayd. Kani maha dhaqan muslim se waa mid reer galbeed, iyaga laftooduna way la dhiban yihiin guur la'aanta.

Tusaale. Degaan ka mida taliyaaniga ayaa ilmo yar u dhashay bishi Feb/2016 BBC da ayaa qaada dhigtay, waxayna sheegaty in qoyska ilmaha dhalay la siiyey shaqo wangsan laguna hambalyey dawlad iyo shiciba lagu faraxsana ilmahaas isaga ah. Maxaa sababey in sidaa loo wayneeyo? Waxay sheegtay BBC du tuulada uu Ku dhashay cunuga yari, inaan wax ilmo ah lagu dhalin mudo dhan 30 sano.

Ma kula tahay inaynu ku socono sidaa?

 Madiidani inay haweenku noqdaan qaar cilmi leh. Balse maxay tahay sababta aynu ugu baahanahay gabadh aqoon leh?
Wadamada reer galbeed iyo yurubtu maaha kuwo, Ina matali Kara nolosha iyo horumarkana aynu kaga minqiyaas qadan karno. Waayo alle SWT ayaa inoo soo dajiyey Kitaab inoo dhamaystiray camal aduunyo iyo mid akhiroba.

Sidoo kale sunaha rasuulka SCW iyo asxaabta ayaa inoogu filan raacitaan iyo shabihidba. Mana banaana inaynu raacno fikir gaalo, sidoo kale wax waloo aynu waajahayno waxa waajiba inaynu Ku jaan goyno diinta. Hadaba hadii aynu haysano diintii xaqa ahayd waliba aynu Ku dhalanay baranayna maxay tahay sababta aynaan ugu kalsoonayn qawaaniinteeda?
Tusaale:- Marka ay diintu tidhi haweenka raga u haya qawaaniinta maxay tahay indha iska saabida ayaadu ma fahan la'aan diinta ahba ina haysa?


Dumarka iyo inay aqoon diimeed yeshaan waa mid lagama maarmaan ah. Sidoo kale waxay soo saari karan ubad caqiibo iyo cidhib wangsan leh. Dardaarankii nabiga SCW ayaa ahaa guursada mida diinta.

Dumarkeena diintu way sharaftay waxayna ka dhigtay boqorad fadhiga loogu adeego. Ninka afadiisa xaq uguma laha, inay xataa raashin qaydhiin oo uu keenay kariso. Waa inuu u qabto shaaqiyad. Gabadha waxa la waydiin wixii ninkeedu u dhiibay, ninkana wixii alle swt u xilsaaray.

Kala soco qormadan Ardaaga-geenyaale.blogspot.com

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...