Monday, October 26, 2020

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca 

kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wuxu 

burburin karaa aag aad u ballaadhan mudo daqiiqado gudahooda. Sanad walba 

dad badan ayaa ku naf waaya shil dab.

Dabku si dhakhso leh ayuu u fiddaa!

Markuu dab dhaco, way yartahay fursadda lagu baxsan karaa.

Waa inay goobta jiraan meelo u gaara in laga baxo kolkii dab kaco, sidoo kale 

qalabka gargaarka degega ah ee dabku waa muhiim goob kastaba Guri ama 

Xaruun Ganacsiyeedba. 

Dabku marka uu ka qarxo guriga qayb ka mid ah waxa uu si dhakhsaleh u wada 

gaadhi karaa dhismaha guriga, isaga oo si libinlaab ah daqiiqqadiiba u 

kordhaya; lagana yaabe in qiiqqa iyo hanfiga kulaylka darani ku saamixi waayo 

inaad ka dhex baxdo bogcadda dabku ka kacay.

Hadii dab kaco adigoo guriga gudihiisa jooga, dhamaan intaad gaadho meelaha 

dabaysha ka xidh sida Daaqadaha,albaabada iyo IWM. 

Dabka sidee se loo arkaa wax yeeladiisa iyo saamaynta uu ku yeesho nolosha 

iyo dhaqaalaha.

Markaynu eegno noolaha ( Bini aadamka iyo Xayawaanka).

Dabku waa dhibaatooyinka dabiiciga ah, waxyeello ayuu gaadhsiiya maalinle ah 

dadka dunida ku nool iyo Xayawaankaba iyagoo bani aadanku ku waaya 

caruurahooda halka qaar kalana ku waayaan nafahooda iyo hantidooda.

Dabka ayaa maqaarkaaga ku gubi kara isagoo gaadhsinaaya dhaawacyo badan 

kolka uu heerkulkiisu gaadho ilaa 160 digrii. Kuleylka iyo uumiga dabka 

kaligood ayaa dili kara maqaarkaaga.

Dabka iyo khasaaraha uu gaadhsiiyo xaga dhaqaalaha aadanaha.

Saamaynta dabku ku leeyahay xaga dhaqaalaha waxa ku cadayn karta sida 

loogu xidhan yahay shirkaddaha caymiska bixiya.

Halasaha iyo dhambiilaha dabku goortay qabsadaan xaruun ganacsiyeed ama 

guri qoys galo, gabi ahaanba walxaha halkaas yaal waxay noqdaan dambas; 

sidaas awgeed waxa laga yabaa in qoysas badani ku wayaan dhaqaalahoodii 

nololeed iyo hantidoodii ma guurtada ahayd.

Qiiqqu wuxuu leeyahay ur fiican laakiin adiga kuma fiicna.

Qiiqqu waa sun xaga indhaha iyo waliba xanuunada wadnaha, sambabada iyo 

dadka neef tuurka qaba.

Mararka qaarkood waxa dhici karta in aad u dhimato qiiqqa kaa soo gaadhaya 

meel dab laga shidey.

Qiiqqa oo yeesha awood xoogbadan dhamaan aagana wada qabsada waxa uu 

sababi karaa inay ku suuro gali waydo inaad si fiican wax u aragto, samayso 

hadiyo goor meelo laga baxo hadii uu dab kaco.

Ma dabka oo kaliya ayey ka shaqeeyaan?

Ciidankan ayaa ka hawlgala dhamaan dunida inteeda ay gaadhaan adeegyada 

dadwaynuhu.

Hawlgalada ay qaadaan ayaa ah kuwo hadiyo goor la xidhiidha badbaado.


Waxa dhici karta inay biyo dhexdood tahay amaba dhul hoostiis, balse mar 

walba waa kuwo heegan ugu jira sidii ay u samatabixin lahaayeen nolosha iyo 

maalka Dadkooda.

Waxa dhici karta inay biyo dhexdood tahay amaba dhul hoostiis, balse mar 

walba waa kuwo heegan ugu jira sidii ay u samatabixin lahaayeen nafaha iyo 

maalka dadkooda.

Shaqada iyo Waajibaadka Dabdamiska.

Dab-damiyayaashu waxay ka jawaabaan dabka, shilalka iyo dhibaatooyinka 

kale 

ee ay jiraan khataraha nafeed iyo mid hantiyeedba.

Dab-damiyeyaashu waxay adeegaan waqti-buuxa waxayna kaa caawinayaan 

badbaadinta dadweynaha marka lagu jiro xaaladaha degdegga ah. Waxay ka 

jawaabaan wicitaano fara badan oo kala duwan: sidoo kale Dab-damiyeyaashu 

waxay ka caawiyaan shilalka baabuurta, daadashada kiimikada, daadadka iyo 

badbaadinta fatahaadaha biyaha.

Sidoo kale waxa waajibku ah,

deminta dababka ka jira aaggooda,

Ilaalinta nolosha iyo hantida bulshada; haddii dab ka kaco aaggooda. Kor u 

qaadida iyo xoojinta nabad galyada Dabka iyada oo loo marayo wadahadal, 

talo bixinno iyo fadhiyo tababar ah.

Dhammaan shaqaaluhu waxay xidhaan labis isku midda, waxaanay shaqeeyaan 

24- saacadood. Shaqadu waxay noqon kartaa mid walaac badan oo khatar ah 

laakiin waxaa jira wax weyn oo dhiirigalinaya inaad sii wado taasi oo ah qiimiha 

iyo kalsoonida ay siinayaan bulshadooda badelkeedana ka helayaan farxad 

badan.

Qoraalkani kooban ayaa igu dhashay inaan diyaariyo kolkii aan arkay is fahan 

la'aanta ka dhex jirta bulshada iyo Ciidanka Dabdamiska ee somaliland.

Badana waxaad arkaysaa iyadoo dhibaatooyin loo gaysanaayo qaar ka midda 

ciidanka oo hawlgal ugu jira bulshadooda.


Dhawaan ayey ahayd markii dhawacyo culus oo xataa dalka waxba loogu 

qaban kari wayey ay u gaysteen bulshada reer Hargeysa qaar ka midda 

ciidanka Dabdamiska Somaliland.

Bulshadu waa inay fahantaa baahida loo qabo ciidanka Dabdamiska iyo halista 

uu leeyahay dabku.

Bulshadeydaay dareen 

Doorku leeyahay ciidan 

Dab-damiskuna ka mudan

Bilaash wax lagu dakhree

Dadkaygoow dantiina 

Ilaashada waa dalkiinee.

MUSTAFE AXMED (GEENYAALE)

Dhamaad

No comments:

Post a Comment

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...