Maansada qurux iyo
dadnimo ley
Maansadan oo soo
baxdey bishii 5/2014 kii waa maanso ka hadleysa jacayl ku talaxtagay ruux u
tigtigan daraadeed iyo quruxiyo dadnimo ley. Taas oo uu alifay amaba curiyey
Hal-abuurka da’da yar ee Sidiiq Jaamac
Cubayd waxay ku bilaabmaysaa maansadu sidan:-
Maansadu dariiqiyo
Ilayn dawlamaro lee
Waxaan deelka xaraf raac
Hawraarta kuu daray
Waa dareen aan tabayee
Saw dayr dhexdeedkii
Dalkoo wada barwaaqa
Daruur caashaq ima helin
Dibin daabyo ima badin
Saw dacar qadhaadh iyo
Deebaaq leef imuu odhan
Anigoon digniin qabin
Saw duruusta barashiyo
Dantii igama baylihin
Ilayn waaban diranee
Waxaan day dayaayeen
Aan u daalanaayeen
Darbiyada habeenkii
Hadba dibada u maraa
Waa dahab la moodyeey
Daymada jacaylkee
Saw deeqa arag iyo
Ku il doogsi gaagani
Maaha doonis taadoon
Kugu daalay inan yahay
Diiftiyo xanuunkiyo
Doogta caashaq keeniyo
Dakhrada tan igu yaal
Alloo iga dulqaadiyo
Aduunbaa dawayn kara
Sida damal hadhwaynoo
Doog iyo ugbaadloo
Durdur iyo xareeduna
Dacalada ka marayaan
Maankayga deeqdee
Dulqaadkiyo xishoodkaad
Dumarkaba ku dhaaftaad
Kugu doortay aniguye
Daacad iyo wanageey
Doog iyo xareedeey
Darmaan taan jeclaayeey
Dahab xulashadiisaay
Dookh iyo jacaylbaa
Dushaydani ku hooroo
Adaan kuu dardhadayoo
Hogolbaa igu da aysee
Dugsi may isku noqonaa
Aan kula dardaarmee
Lama diido ruuxii
Wanaaagaaga doonee
Door bidaya xiisaha
Inaad dadab wadaagtaan
Ila noqo ul iyo diir
Dadka iga xig waligaa
Xaasid yuu ina kala dilin
Nacabkana u naqo dayr
Aan la igu dagi Karin
Dardar gali jacaylkoo
Sidaan kuugu diranahay
Adna ii daweeyoo
Siduu dookhu kuu rabo
Adna ii daryeeloo
Sidaan daacada u ahay
Hanka iigu deeqoo
Sidaan kaaga daba dhacay
Adna ii dadaaloo
Sidaan kuugu doodana
Adna ii daneeyoo
Ha I dayrin waligaa
Daa uus la mood yeey
Dayax soo iftiimiyo
Waagoo dilaacaay
Dumar ugu fil rooneey
Dahab iyo xariireey
Darmaan xoosh udhalataay
Qurux iyo dadnimo leey
Dabacsani hubqaadley
Daymada xishoodleey
Samir iyo dulqaadleey
Intu dilay jacaylkani
Ee u duugan awgii
Inta aan laygu darin
Daawadii naftaydaay
Aan is dada haynoon
Damaashaad ku ciidnee
Diiftiyo xanuun kiyo
Doogta caashaq keeniyo
Dakharada tan igu yaal
Allo iga dul qaadaadiyo
Aduunbaa dawaynkara
W.Curiyey Sidiiq Jaamac Ibraahim [cubeyd]
W.Q. M.Axmed (Geenyaale)
Hargeysa,Somaliland
No comments:
Post a Comment