Friday, August 25, 2017

Maansada: Suugaan Bahdila

Maansada: Suugaan bahdila 

(B) Badda maqasha.

Xarafka (B)

Dhambaal ku aadan bahwaynta tirisa baddaha kala duwan ee maansada soomaalida. Baaq daaran u hiilinta milgaha sugaantu leedahay.

Maanso curatay sidaan filayo goortii loo baahna.
Ma ihi foolaad iyo nin ku baas farshaxanka suugaanta balse, waxaan sida fiinta la qayshay ee igu dhaliyey maansadan, waa dareen fog iyo damqashiyo lexejeclo igaga jirta, quruxda iyo jiritaanka maansada oo ah dhismaha iyo udub dhaxaadka afkeenu ku taagan yahay.




Buraanbur lamood
Duluc baahdiyo
Deel qaaf burburay
Miisaan beyd liyo
Baddaha maanseed
Dhaarbaan bilee
Xilo boqol ku furay
Suugaan bahdila
Way badatayoo
Ooy biyo dhacdee
Bilic quruxsanaan
Yaa bad baadiyoo
Burde iyo quraan
baradeey lahayd
Baalaha ka dhiga

Burjigiisa adag
Fule waa baqee
Fadhe baadha iyo
Bakhayl yaa ka jira

bi'iwaa dhimbiil
Burmadoow dhankaa
Baashii cubeyd
Barta ina sidiiq
Halabuurka badan
Bayd ma qaadayee
Baaqaygu waa
Murti baylahoo
Bari hore luntaa
Isoo booqatoo
Waxay tiri baxoo
Oo bananka aad

Bulshadana u sheeg
u bayaamiyoo
Baahideydu waa
Buug laygu qoriyo
Bangi lay dhigee
Balankaa toloow
Ma bixin kartaa
Qaantiisa badan?

Anoo baydadkaa
Badhtan kaga jiraa
Waagii baryoo

Oo baraarugee
Balo kuma heshee 
Been miyaa riyadu.

©Geenyaale Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...