Monday, October 26, 2020

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca 

kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wuxu 

burburin karaa aag aad u ballaadhan mudo daqiiqado gudahooda. Sanad walba 

dad badan ayaa ku naf waaya shil dab.

Dabku si dhakhso leh ayuu u fiddaa!

Markuu dab dhaco, way yartahay fursadda lagu baxsan karaa.

Waa inay goobta jiraan meelo u gaara in laga baxo kolkii dab kaco, sidoo kale 

qalabka gargaarka degega ah ee dabku waa muhiim goob kastaba Guri ama 

Xaruun Ganacsiyeedba. 

Dabku marka uu ka qarxo guriga qayb ka mid ah waxa uu si dhakhsaleh u wada 

gaadhi karaa dhismaha guriga, isaga oo si libinlaab ah daqiiqqadiiba u 

kordhaya; lagana yaabe in qiiqqa iyo hanfiga kulaylka darani ku saamixi waayo 

inaad ka dhex baxdo bogcadda dabku ka kacay.

Hadii dab kaco adigoo guriga gudihiisa jooga, dhamaan intaad gaadho meelaha 

dabaysha ka xidh sida Daaqadaha,albaabada iyo IWM. 

Dabka sidee se loo arkaa wax yeeladiisa iyo saamaynta uu ku yeesho nolosha 

iyo dhaqaalaha.

Markaynu eegno noolaha ( Bini aadamka iyo Xayawaanka).

Dabku waa dhibaatooyinka dabiiciga ah, waxyeello ayuu gaadhsiiya maalinle ah 

dadka dunida ku nool iyo Xayawaankaba iyagoo bani aadanku ku waaya 

caruurahooda halka qaar kalana ku waayaan nafahooda iyo hantidooda.

Dabka ayaa maqaarkaaga ku gubi kara isagoo gaadhsinaaya dhaawacyo badan 

kolka uu heerkulkiisu gaadho ilaa 160 digrii. Kuleylka iyo uumiga dabka 

kaligood ayaa dili kara maqaarkaaga.

Dabka iyo khasaaraha uu gaadhsiiyo xaga dhaqaalaha aadanaha.

Saamaynta dabku ku leeyahay xaga dhaqaalaha waxa ku cadayn karta sida 

loogu xidhan yahay shirkaddaha caymiska bixiya.

Halasaha iyo dhambiilaha dabku goortay qabsadaan xaruun ganacsiyeed ama 

guri qoys galo, gabi ahaanba walxaha halkaas yaal waxay noqdaan dambas; 

sidaas awgeed waxa laga yabaa in qoysas badani ku wayaan dhaqaalahoodii 

nololeed iyo hantidoodii ma guurtada ahayd.

Qiiqqu wuxuu leeyahay ur fiican laakiin adiga kuma fiicna.

Qiiqqu waa sun xaga indhaha iyo waliba xanuunada wadnaha, sambabada iyo 

dadka neef tuurka qaba.

Mararka qaarkood waxa dhici karta in aad u dhimato qiiqqa kaa soo gaadhaya 

meel dab laga shidey.

Qiiqqa oo yeesha awood xoogbadan dhamaan aagana wada qabsada waxa uu 

sababi karaa inay ku suuro gali waydo inaad si fiican wax u aragto, samayso 

hadiyo goor meelo laga baxo hadii uu dab kaco.

Ma dabka oo kaliya ayey ka shaqeeyaan?

Ciidankan ayaa ka hawlgala dhamaan dunida inteeda ay gaadhaan adeegyada 

dadwaynuhu.

Hawlgalada ay qaadaan ayaa ah kuwo hadiyo goor la xidhiidha badbaado.


Waxa dhici karta inay biyo dhexdood tahay amaba dhul hoostiis, balse mar 

walba waa kuwo heegan ugu jira sidii ay u samatabixin lahaayeen nolosha iyo 

maalka Dadkooda.

Waxa dhici karta inay biyo dhexdood tahay amaba dhul hoostiis, balse mar 

walba waa kuwo heegan ugu jira sidii ay u samatabixin lahaayeen nafaha iyo 

maalka dadkooda.

Shaqada iyo Waajibaadka Dabdamiska.

Dab-damiyayaashu waxay ka jawaabaan dabka, shilalka iyo dhibaatooyinka 

kale 

ee ay jiraan khataraha nafeed iyo mid hantiyeedba.

Dab-damiyeyaashu waxay adeegaan waqti-buuxa waxayna kaa caawinayaan 

badbaadinta dadweynaha marka lagu jiro xaaladaha degdegga ah. Waxay ka 

jawaabaan wicitaano fara badan oo kala duwan: sidoo kale Dab-damiyeyaashu 

waxay ka caawiyaan shilalka baabuurta, daadashada kiimikada, daadadka iyo 

badbaadinta fatahaadaha biyaha.

Sidoo kale waxa waajibku ah,

deminta dababka ka jira aaggooda,

Ilaalinta nolosha iyo hantida bulshada; haddii dab ka kaco aaggooda. Kor u 

qaadida iyo xoojinta nabad galyada Dabka iyada oo loo marayo wadahadal, 

talo bixinno iyo fadhiyo tababar ah.

Dhammaan shaqaaluhu waxay xidhaan labis isku midda, waxaanay shaqeeyaan 

24- saacadood. Shaqadu waxay noqon kartaa mid walaac badan oo khatar ah 

laakiin waxaa jira wax weyn oo dhiirigalinaya inaad sii wado taasi oo ah qiimiha 

iyo kalsoonida ay siinayaan bulshadooda badelkeedana ka helayaan farxad 

badan.

Qoraalkani kooban ayaa igu dhashay inaan diyaariyo kolkii aan arkay is fahan 

la'aanta ka dhex jirta bulshada iyo Ciidanka Dabdamiska ee somaliland.

Badana waxaad arkaysaa iyadoo dhibaatooyin loo gaysanaayo qaar ka midda 

ciidanka oo hawlgal ugu jira bulshadooda.


Dhawaan ayey ahayd markii dhawacyo culus oo xataa dalka waxba loogu 

qaban kari wayey ay u gaysteen bulshada reer Hargeysa qaar ka midda 

ciidanka Dabdamiska Somaliland.

Bulshadu waa inay fahantaa baahida loo qabo ciidanka Dabdamiska iyo halista 

uu leeyahay dabku.

Bulshadeydaay dareen 

Doorku leeyahay ciidan 

Dab-damiskuna ka mudan

Bilaash wax lagu dakhree

Dadkaygoow dantiina 

Ilaashada waa dalkiinee.

MUSTAFE AXMED (GEENYAALE)

Dhamaad

Thursday, January 23, 2020

Badbaadinta Naf iyo Maal waa Isbiimaynta iyo Halis u Badheedhidda, Ciidanka Dabdemiska.

Badbaadinta Naf iyo Maal waa 

Isbiimaynta  iyo Halis u Badheedhidda,

Ciidanka Dabdemiska.



Qaybtii 1aad.


"Mahad celinta ciidanka Dabdemisku maahan sanadkiiba hal jeer sababtoo waxay diyaar u yihiin midkeen kasta maalin kasta" Geenyaale

Ciidanka Dabdamiska, kolka magacani ku soo dhaco dhagtaada maxaa ku
sawirma?


Aniga ahaan waxa isu kay sawira meel dab qabsadey oo naf iyo maalba leh
halis na ugu jira inay idil ahaantoodba baaba'aan oon dambas mooye raad kale
yeelan.

Sawirkayga aan sii watee waxa isoo baxa shay halis ugu jira in gabi ahaanba la
waayo ama uu dhalan gadismo, waxa intaas iiraaca mid halista sidaa wax u
baabiinaysa usii badheedhaya kuna biimaynaaya naftiisa.

Waxa la odhan karaa waa naftood hurayaal daqiiqad kasta u diyaara sidii ay u
badbaadin lahaayeen mood iyo maalba "ilaahba wax badbaadiye"
Hadii aynu soo qaadano ciidanka dunida waa ciidanka ugu naf huridda badan
waliba si joogto ah, halka ciidanka milatarigu (Miltrey armay) ay yihiin kuwo
inta badan hor taagan xaduudaha dal leeyahay lagana yaabo inay sanadkii hal
dagaal galaan ama aanay galinba.
Kolka loo eego laamaha dawladdi ka kooban tahay we u adeega bulshada waa
hay'ada ugu shaqada badan.

Dabka iyo halistiisa maxaa laga aaminsanyahay? 

Dabku waa fal-celin kiimikaad oo dabka iyo kuleylkaba bixisa. Waa tusaale ku
saabsan habka kiimikaad ee sunta. Dabku waa mid faa iido leh, laakiin sidoo
kale aad khatar u ah maxaa yeelay wuxuu sababi karaa guryo, geedo iyo
waxyaabo kale oo badan inay dambas ku gubtaan.

Qore: Mustafe Axmed Xasan (Geenyaale)

Lasoco Qaybta labaad

Friday, August 25, 2017

Maansada: Suugaan Bahdila

Maansada: Suugaan bahdila 

(B) Badda maqasha.

Xarafka (B)

Dhambaal ku aadan bahwaynta tirisa baddaha kala duwan ee maansada soomaalida. Baaq daaran u hiilinta milgaha sugaantu leedahay.

Maanso curatay sidaan filayo goortii loo baahna.
Ma ihi foolaad iyo nin ku baas farshaxanka suugaanta balse, waxaan sida fiinta la qayshay ee igu dhaliyey maansadan, waa dareen fog iyo damqashiyo lexejeclo igaga jirta, quruxda iyo jiritaanka maansada oo ah dhismaha iyo udub dhaxaadka afkeenu ku taagan yahay.




Buraanbur lamood
Duluc baahdiyo
Deel qaaf burburay
Miisaan beyd liyo
Baddaha maanseed
Dhaarbaan bilee
Xilo boqol ku furay
Suugaan bahdila
Way badatayoo
Ooy biyo dhacdee
Bilic quruxsanaan
Yaa bad baadiyoo
Burde iyo quraan
baradeey lahayd
Baalaha ka dhiga

Burjigiisa adag
Fule waa baqee
Fadhe baadha iyo
Bakhayl yaa ka jira

bi'iwaa dhimbiil
Burmadoow dhankaa
Baashii cubeyd
Barta ina sidiiq
Halabuurka badan
Bayd ma qaadayee
Baaqaygu waa
Murti baylahoo
Bari hore luntaa
Isoo booqatoo
Waxay tiri baxoo
Oo bananka aad

Bulshadana u sheeg
u bayaamiyoo
Baahideydu waa
Buug laygu qoriyo
Bangi lay dhigee
Balankaa toloow
Ma bixin kartaa
Qaantiisa badan?

Anoo baydadkaa
Badhtan kaga jiraa
Waagii baryoo

Oo baraarugee
Balo kuma heshee 
Been miyaa riyadu.

©Geenyaale Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Friday, September 30, 2016

Malag soddohdaa dil, (063)!!!!!!



Waxaa noo dhexeeyey saddex kursi meelaan.ka dheerayn; waxa fadhida hooyadeed oo aan mar danbe ogaan doono. Damac iyo dareen fogbaa i galay, oo intii dumar lahaa malaha inbay dheerayd. Kuraasta laba labada ah waxa la fadhiya nin da' dhexaad ah. In dooraba waxaan rajaynayey inuu kaco si aan fursad ugu helo ag fadhaysigeeda. Inuu habaar ku kacay; duco ku kacyaa; la soo gaadh meeshisiyaa mooye, adigu kac ninkii markay u wacnayd. Si yaan lagaa dareemina ayaan u fadhaystay agteedii. Waxay isu kay dhaafisay xaga darishada baabuurka, waa sidaan rabay inaan la arag waxaan samayn doono. Tolow maan isku duubi doona mise waan daawan rabaa. Ishu show wax ma qaado oo laguma oon baxaayo. Afka inaan furtaaban u holladey.

 U ururiyey erayadaan hayey; u xulay kuwo aad u cudoon. Si ilbaxnimo ku jirto waxaan u.diyaar saday mobile-kaygii oo aan ku sii qoray saddexda xaraf ee u horreeya, si aan ugu dhiibo iyana igu qorto Number-keeda. Waxa ii caado ah inaan intan sameeyo markay sidani oo kale tahay. Qofkuna waa iska fahmaa in qor la leeyahay Number-kiisa.

Markiiba intaanan hadal ayuu cod aan ka naxay, oo maqalka dhagahayga ku ahaa onkod iyo danab, cod iyo gariir wayni ku ladhanyahoo kordhiyey xawliga garaaca wadnahayga, dhanka garabkeeda xigta ka soo yeedhay!! Waa islaan fadhida!! Kursiga la yidhaa: "habar-ma-waaye". Mar qudha waxa dhawaaq cod dheeriyi ku jirto ay ku tiraabtay: "Hoooooooooyo!!" Ana haamadaba i go'dey sidii aar libaaxiyo bahal dad qaadihi ciyey. "Taleefanka ii dhiib". "Haye" Markay tidhi ee lays waydaarsadey, gacmaha, halkii kumay hadhine waydiimo dhawra ayey sii gashay. "Hooyo Number-kii ma kanuu ahaa Jaamac?" oo inankii maanta inala soo hadlayey hoo iigu celi. Saw horta kaaga muu ahayn? Wax yar kadib, waxa la soo gaadhay meeshay ku dagi lahaayeen. Waanay dageen anna ciil iyo caloolyoow la hoydey habeenkan baas ama boqran. Nin aanu saaxiibo nahay ayaa yidhaa:  "Malag soddohdaa dil" anna amiin ayaan idhaa saw haddii kale baska la raaci mayso. kkkkkkkkkk!!!!.

Qisooyinka dhabtee qabsada naftaada, marbay qalimadu qoraan.

W.Q.Mustafe Axmed Xasan (Geenyaale)
              Hargeysa,Somalinad

Monday, August 1, 2016

Taxanaha Halcelinta Yaabka Leh



Sheeko Gaaban
Taxanaha Halcelinta Yaabka Leh
“Xawaadle Qabiil Mise Xaafad”

Xirsi iyo xariir waa laba wiilo aad iskugu xeel dheer.  Xogta aykala qaatan alaaba waa mid joogto ah, midba midka kale xaaladisa waa ka war haya.
Waa niman doobab ah oo gadhaay, amintay gayaankod ka xulan lahaayeen gabdahay nolol la wadaagi lahaayeen. Xirsi baa da' ahaan ka wayn Xariir, hadey sidaa tahay waanu ka wayo aragsan yahay.   Xirsi Kuye:  Xariirow miyaynaan doobnimo jeclayn inaynu ka gudubno?
Xariir: Anba waan jeclaan lahaa, gogol diiran iyo gaari. Xirsi: Haye taasi waa balan iyo baadi goob wacan.  Xariir: Bilaahi hawraarsan. Baadigoob badan kadib waxay gaadheen hadafkoodii.
Maalin maalmaha kamida waxay is kugu yimaaden, goobti googaalaysiga iyo kaftanka ay ku wadaagi jireen. Waxay socoto sheekadu waxay gaadhay. Kuye Xariir: Horta Xirsoow intaanay soo hoy galin, haybteeda noo sheeg. Xirsi oo moodaya xariir nin kala yaqaan reeraha baa yidhi isagoo meel gaban uga qabtay. Xirsi: Kuye; Waa Xawaadle!!!!!! Xariir; Yaab oo amkaak, isagoo ku daraaya reer magaalnimo, yidhi tayduna waa Idaacada. Mood in lala kaftamaayo.

Qorista sheekooyinka gaagaabani, waa sidii aan unoqon lahaa qoraa wixiisu dux iyo dhandhan leeyihiin. Dhaliisha waxaan u aqaan, dhabbada guusha loo maro. Sidaa awgeed waan soo dhawaynaya wixii dhaliil ah.

Xuquuqda oo dhami waxay u dhawrsan tahay © Ardaaga Geenyaale La dheegan karo.

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...