Waxaan heegan ugu jira koru qaadida iyo ilaalinta diinta, dhaqanka iyo afka. sidoo kale dhiirigalinta bulshadu waa nolol maalmeed kayga. "Hadhka maalineediyo habeenkii waxaan haybiyaa samaha Hadaad hesho guul Hamabalyadaan dira Hadaad is hilmaanto Adaan Ku hawlgala Intaa Ku hiirtaamaya Adna waad iga heshaa Sidaan hiilkugu ahay Dhiirin ban Ku hibeeya Hubaal runta Kugu sada"
Friday, September 30, 2016
Malag soddohdaa dil, (063)!!!!!!
Waxaa noo dhexeeyey saddex kursi meelaan.ka dheerayn; waxa fadhida hooyadeed oo aan mar danbe ogaan doono. Damac iyo dareen fogbaa i galay, oo intii dumar lahaa malaha inbay dheerayd. Kuraasta laba labada ah waxa la fadhiya nin da' dhexaad ah. In dooraba waxaan rajaynayey inuu kaco si aan fursad ugu helo ag fadhaysigeeda. Inuu habaar ku kacay; duco ku kacyaa; la soo gaadh meeshisiyaa mooye, adigu kac ninkii markay u wacnayd. Si yaan lagaa dareemina ayaan u fadhaystay agteedii. Waxay isu kay dhaafisay xaga darishada baabuurka, waa sidaan rabay inaan la arag waxaan samayn doono. Tolow maan isku duubi doona mise waan daawan rabaa. Ishu show wax ma qaado oo laguma oon baxaayo. Afka inaan furtaaban u holladey.
U ururiyey erayadaan hayey; u xulay kuwo aad u cudoon. Si ilbaxnimo ku jirto waxaan u.diyaar saday mobile-kaygii oo aan ku sii qoray saddexda xaraf ee u horreeya, si aan ugu dhiibo iyana igu qorto Number-keeda. Waxa ii caado ah inaan intan sameeyo markay sidani oo kale tahay. Qofkuna waa iska fahmaa in qor la leeyahay Number-kiisa.
Markiiba intaanan hadal ayuu cod aan ka naxay, oo maqalka dhagahayga ku ahaa onkod iyo danab, cod iyo gariir wayni ku ladhanyahoo kordhiyey xawliga garaaca wadnahayga, dhanka garabkeeda xigta ka soo yeedhay!! Waa islaan fadhida!! Kursiga la yidhaa: "habar-ma-waaye". Mar qudha waxa dhawaaq cod dheeriyi ku jirto ay ku tiraabtay: "Hoooooooooyo!!" Ana haamadaba i go'dey sidii aar libaaxiyo bahal dad qaadihi ciyey. "Taleefanka ii dhiib". "Haye" Markay tidhi ee lays waydaarsadey, gacmaha, halkii kumay hadhine waydiimo dhawra ayey sii gashay. "Hooyo Number-kii ma kanuu ahaa Jaamac?" oo inankii maanta inala soo hadlayey hoo iigu celi. Saw horta kaaga muu ahayn? Wax yar kadib, waxa la soo gaadhay meeshay ku dagi lahaayeen. Waanay dageen anna ciil iyo caloolyoow la hoydey habeenkan baas ama boqran. Nin aanu saaxiibo nahay ayaa yidhaa: "Malag soddohdaa dil" anna amiin ayaan idhaa saw haddii kale baska la raaci mayso. kkkkkkkkkk!!!!.
Qisooyinka dhabtee qabsada naftaada, marbay qalimadu qoraan.
W.Q.Mustafe Axmed Xasan (Geenyaale)
Hargeysa,Somalinad
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay
Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...
-
Maansada qurux iyo dadnimo ley Maansadan oo soo baxdey bishii 5/2014 kii waa maanso ka hadleysa jacayl ku talaxtagay ruux u tigtigan da...
-
Xigmadiyo Waxtarka Guurka Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale) October 20/2015 ...
-
Sooyaalkii Nololeed iyo shaqo ee Marxuum Axmed Xasan Sh.Suufi “Cawke” Hordhac: Dhamaan waxaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, ...
No comments:
Post a Comment