Sunday, July 31, 2016

Boqol jire sidiisaba, Booqashada ku wacana



Maanso: Boqol jire sidiisaba, Booqashada ku wacana.

Maansadan waxay curatay jimcihii 29/07/2016 waxaan ku sugnaa dhulka quruxda leh ee boqol jire. Sidoo kale uu ku  taagsaday  roobabka xagaagu. Maansadan waxaan u hibeeyey.

Hanna Axmed Jabaan oo ka mid ah dadka reer boqol jire. Sidoo kale Hanna tariikh badan iyo mahadhooyin dhawra ayaa kaga duugan boqol jire. Sidaa awgeed ayaan u gartay inay tahay qofka kaliya ee igu dhaw reer boqol jire, dhab ahaana aad u jecel xaafadda boqol jire.

Sida balad barwaaqo ah
Ristu ay ku badantoo
Biyuhu ay dhax jiifaan
Barqo dharag lajoogiyo
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,

Buuraha cagaarka ah
Nafta baahideediyo
Galgacaylka beeraan
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,

Bahidaan u qabay iyo
Indhihi basaasaa
Boodhkii ka raystee
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,

Halka aan u bokhoole
Baryo aan ka raagiyo
Baradii jacaylkiyo
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,

Badarkiyo galaydii
Bisishahay xasiidii
Dadku ay badhaadhen
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,

Laydhsiga banaankiyo
Geed baaxad waynoo
Hadhka kala badhayuu
Baladkani ku caanyee
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,

Beeraha bustaanka ah
Saytuunka buuxee
Babayguna ku dhinac yaal
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa,

Fadka soo balaadhe
Hilaacisu bilig yidhi
Barta uu ku hooriyo
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa,


Baydkeeda maansada
Bartaa aan ku gaabshe
Hanni qaado baalay
Hadyad waayi bilane
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa
.

W.T.M.Geenyaale
  Xuquuqda oo dhami waxay u dhawrsan tahay© Ardaaga Geenyaale.
                         Lama dheegan karo.

Tuesday, July 26, 2016

Akhiro nimaan geel lahayn lama amaanayn



 Sheeko Gaaban

“Aakhiro nimaan geel lahayn lama amaanayn”

Waa magaalo iyo casimad camiran. Burbur badan kadib dhakhso ayey uga kabatay. Waxay la talaabsatay magaaloyinka dhigeeda ah. Waxay horumarka gaadhay dhanka ganacsiga iyo tiknoolajiyada. Sidoo kale waxay daryeeshay bilic ahaan degaankeda, marka loo eego sidii ay ahaan jirtay wakhtigii burburkii iyo dagaaladii siyaad barre kadib.

Waagi hore magaladani waxay ahayd mid ayka dhex shaqeeyaan dhawr baabuur oo  dadwaynaha u adeega. Dadku baahi wayn ayey u qabeen helida baabuur u khasa, balse taasi may ahayn mid laga siman yahay waa intii awoodaysay  uun. Waxaan xasuusta iyado la leeyahay reer hebel gaadhigooda inoo doona. Marka ay reer aroos ama geeri ka jirto. Waxana xusuus mudan in laga tilmaan sanjiray reerka baabuurka lan daroofarka leh (land drover). Hada se hargeysa ninka aan wadan baabuur ama reer koodu lahayni waxa uu ka dhigan yahay nin kabo la’aan ku socda.

Taasi waxay cadayn u tahay, baabuur yaraanta ka jirtay degaanka xiligaas. Laga gudub gadii hore iyo gu’ tagay wixii jiray. Saaka way gingimanyihiin gadh ilaa gadh na way buuxaan, iyadoon loo meel dayinbay macdarada ka buuxan, wali meeshay mari lahaayen iyo wadadoodi  waa qabyo. Dirqibaad ku siganaysa hadaad istidhaa ka tallow wadooyinka ay maraan xata malaha cadaaladii ahayd marna dadka kolna baabuurtu way xakamayn kari waydey. Horumar ahaaya dhib soo korodhay tahaya mooyi!!!.   




Haybe  wuxuu  in mudo ah sheeko wadaag  la ahaa gabadh,ka soo jeeda qoys maal qabeen ah. Wax badan aya maqal uun laga wada socdey. Habeen ayey ka codsatay inay aragto inkastoo ay sawirkiisa haysay.  Hadana inay si toosa u wada kulmaan ayey ka dalbatay. Wiilkii waa ka ogolaadey waxa se culays ka fuulay oo uu ku mashquulay halkii ay ku kulmi lahayeen, iyo baabuurki uu ku aadi lahaa goobta balanta, ilayn waa ina maal qabeene.  Wuxu goobyaalaba oo sida roobka fikir ku ugu hooraba, xili ay wakhti danbe tahay waxa maskaxdisa ku so dhacay sida hilaaca, saxiibki Mawliid oo uu baabuur indha cade ah ku ogaa. Waa saq dhexe waxa uu isku qanciyey aroorta inuu Waco, kana codsado baabuurkisa.


Markii la gaadhay waaga barigiisa, si uuna hawl u yeelan Mawliid, oo ah wiilka baaburka leh ayuu markiiba wacay haybe. Dhiiiiiiiiiiidh.......Mawliid oo haddaaya hurdo ka kacay aaahamaahsi kadib…..Helo. Haybe: Waa haybe mawliid Subax wangsan. Mawliid: subax lamida maxa jira ala saydan. haybe: Walaal waxaan raba inaad cawa baabuurkaga ii dhiibto balka waran. Mawliid, haye taas ma dhibleh waa sax ii soo doono saxiib. Haybe waa ku farxay arinkaa habeenimadiina waa u doontay. 

Aminta balanta kolkii la gaadhay Haybe gabadhii doon soona qaad, hudheelkina gee in cabaara la kaftan. Haybe: Waa xili danbe waynu iska sii nabdoon walaalo miyaanay ku la ahayn sidaa? Hodan haa way ila qurux badan tahay inaa xili hore aado gurigayaga, waayo hooyadey ma jecla dadka goor danbe soo hoyda. Sidii ayey ku baxeen, iyagoo is dhaarsadey axdina meel dhigtay, sidoo kale cod iyo qoraal, ayey kala heli jireene hada waa markii is arag toosa iskugu horaysay.

Habeen wacan lays yidhi. Haybe iyo Hodan kama ay daalin xidhiidhkoodi walina way sii wadaan waxay niyada ku haysa Hodan ninkii baabuurka cad watay inay markale wada kulmaan. Haybe waa nin talo ku ciirto doorkan ma hayo wax baabuur ah, basle waxay ka haysa inuu xaqiiqada sheego.inu cadeeyo inuu ka dhashay reer danyar ah. Sidaasoy tahay uu jecelyaahy iyada. Arinkaa wuu ku dhiiradey. Habeenkii balanta ka horaysay ayuu wacay, una sheegay sidii. Haybe: Walaalo Hodan waxaan doonaya inaan arin ku sheego? 

Hodan: Is ma lihi wax baa ka dahsoon hadana waan ku dhagaysanyaaye i sheeg. Haybe: Waxad tahay noloshayda waad ogtahay inaan aad ku jecelahay adna sidoo kale. Waxaan se jeclaystay manta inaan runta ku sheego, waayo waxad tahay qof aan mustaqbal ka rabo.!!!!!!!!!!. Inta markuu yidhi Hodan way yaabtay waxa sida daadka maskaxdeeda dhex dareeray fikir iyo malayn badan, wayse is noqon wayeen  humaaga ay sawiratay iyo waaxa uu Haybe yidhi. Haybe: Hodan runtii waxaan ahay wiil daacad ku ah, mana doonaya inaad bananka wax ka ogaato.

Ee hada ayaan runta kuu sheegaya.:- Waxaan ahay wiilka dhashay reer danyar ah, beenta hore aankugu sheegayna waxay daba socotay maah maahdi ahayd dumar beena ku soo xero gali runa ku dhaq. Hodan: hiiiiihh!!!!!!!!! Waxay tidhi:- Mar haday is yeelan waayen baabuurki cada humaaga qalbigayga hadalkaaga iyo xaqiiqadu waxay tahay. Ana waxaan ku sheegaya inaad manta laga bilaabo ila mid tahay wiilasha dunida jooga.

Sababto ah nimaan aniga waxba igu soo kordhinayn, doonaya hantida aabahay inuu ila qaybsado, isku gali mayno kaa. Hamigaygu waa wiil hanada hantina leh kaas ayaan nolol wacan iyo haasaweba u hibayn laha. Adigu waad noqon waydey hamigayga ee gacaliye markii igu danbeysay weeyi   joooooow.  Midnaxasuusnow hu’ aanad lahayn laguma haasewe tago. Ku qanacsanownoloshaada.


Dumaraka ayaa noqdey kuwo raga ku jeclaada hantida siiba baabuurka Ildab ayaa laga hayey :-Qaarka danbuunbay xaraysanaysa ina dhaqaaji!!!!!!

Magaladan iyo gobalo kale oo ka tirsan Somaliland waxa caado u noqotay joogtaynta iibsashada baarbuurta gaarka loo leeyahay. Sheekadu waa hargaysa waxa laga qoray halhays a hayd. " Hargaysa nimaan baabuur lahayn lama amaanayn".


Qore: Mustafe Axmed Xasan

                  (Geenyaale)
Facebook@ Dhiiriye Mustafe Geenyaale



Xuquuqda oo dhami waxay u dhawrsan tahay © Ardaaga Geenyaale.
                         Lama dheegan karo.




 Sheekooyin Gaagaban

“Akhiro nimaan geel lahayn lama amaanayn”

Waa magaalo iyo casimad camiran. Burbur badan kadib dhakhso ayey uga kabatay. Waxay la talaabsatay magaaloyinka dhigeeda ah. Waxay horumarka gaadhay dhanka ganacsiga iyo tiknoolajiyada. Sidoo kale waxay daryeeshay bilic ahaan degaankeda, marka loo eego sidii ay ahaan jirtay wakhtigii burburkii iyo dagaaladii siyaad barre kadib.

Waagi hore magaladani waxay ahayd mid ayka dhex shaqeeyaan dhawr baabuur oo  dadwaynaha u adeega. Dadku baahi wayn ayey u qabeen helida baabuur u khasa, balse taasi may ahayn mid laga siman yahay waa intii awoodaysay  uun. Waxaan xasuusta iyado la leeyahay reer hebel gaadhigooda inoo doona. Marka ay reer aroos ama geeri ka jirto. Waxana xusuus mudan in laga tilmaan sanjiray reerka baabuurka lan daroofarka leh (land drover). Hada se hargeysa ninka aan wadan baabuur ama reer koodu lahayni waxa uu ka dhigan yahay nin kabo la’aan ku socda.

Taasi waxay cadayn u tahay, baabuur yaraanta ka jirtay degaanka xiligaas. Laga gudub gadii hore iyo gu’ tagay wixii jiray. Saaka way gingimanyihiin gadh ilaa gadh na way buuxaan, iyadoon loo meel dayinbay macdarada ka buuxan, wali meeshay mari lahaayen iyo wadadoodi  waa qabyo. Dirqibaad ku siganaysa hadaad istidhaa ka tallow wadooyinka ay maraan xata malaha cadaaladii ahayd marna dadka kolna baabuurta. Horumar ahaaya dhib soo korodhay tahaya mooyi!!!. Magaladan iyo gobalo kale oo ka tirsan Somaliland waxa caado u noqotay joogtaynta iibsashayada baarbuurta gaarka loo leeyahay. Sheekadu waa hargayse waxa laga qoray halhays hayd. " Hargaysa nimaan baabuur lahayn lama amaanayn".

Qore: Mustafe Axmed Geenyaale.
Facebook@ Dhiiriye Mustafe Geenyaale

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...