Sheeko Gaaban
“Aakhiro nimaan geel lahayn lama amaanayn”
Waa
magaalo iyo casimad camiran. Burbur badan kadib dhakhso ayey uga kabatay. Waxay
la talaabsatay magaaloyinka dhigeeda ah. Waxay horumarka gaadhay dhanka
ganacsiga iyo tiknoolajiyada. Sidoo kale waxay daryeeshay bilic ahaan
degaankeda, marka loo eego sidii ay ahaan jirtay wakhtigii burburkii iyo
dagaaladii siyaad barre kadib.
Waagi hore magaladani waxay ahayd mid ayka dhex shaqeeyaan dhawr baabuur oo dadwaynaha u adeega. Dadku baahi wayn ayey u qabeen helida baabuur u khasa, balse taasi may ahayn mid laga siman yahay waa intii awoodaysay uun. Waxaan xasuusta iyado la leeyahay reer hebel gaadhigooda inoo doona. Marka ay reer aroos ama geeri ka jirto. Waxana xusuus mudan in laga tilmaan sanjiray reerka baabuurka lan daroofarka leh (land drover). Hada se hargeysa ninka aan wadan baabuur ama reer koodu lahayni waxa uu ka dhigan yahay nin kabo la’aan ku socda.
Taasi waxay cadayn u tahay, baabuur yaraanta ka jirtay degaanka xiligaas. Laga gudub gadii hore iyo gu’ tagay wixii jiray. Saaka way gingimanyihiin gadh ilaa gadh na way buuxaan, iyadoon loo meel dayinbay macdarada ka buuxan, wali meeshay mari lahaayen iyo wadadoodi waa qabyo. Dirqibaad ku siganaysa hadaad istidhaa ka tallow wadooyinka ay maraan xata malaha cadaaladii ahayd marna dadka kolna baabuurtu way xakamayn kari waydey. Horumar ahaaya dhib soo korodhay tahaya mooyi!!!.

Haybe wuxuu in mudo ah sheeko wadaag la ahaa gabadh,ka soo jeeda qoys maal qabeen
ah. Wax badan aya maqal uun laga wada socdey. Habeen ayey ka codsatay inay
aragto inkastoo ay sawirkiisa haysay. Hadana
inay si toosa u wada kulmaan ayey ka dalbatay. Wiilkii waa ka ogolaadey waxa se
culays ka fuulay oo uu ku mashquulay halkii ay ku kulmi lahayeen, iyo baabuurki
uu ku aadi lahaa goobta balanta, ilayn waa ina maal qabeene. Wuxu goobyaalaba oo sida roobka fikir ku ugu
hooraba, xili ay wakhti danbe tahay waxa maskaxdisa ku so dhacay sida hilaaca,
saxiibki Mawliid oo uu baabuur indha cade ah ku ogaa. Waa saq dhexe waxa uu
isku qanciyey aroorta inuu Waco, kana codsado baabuurkisa.
Markii la
gaadhay waaga barigiisa, si uuna hawl u yeelan Mawliid, oo ah wiilka baaburka
leh ayuu markiiba wacay haybe. Dhiiiiiiiiiiidh.......Mawliid oo haddaaya hurdo
ka kacay aaahamaahsi kadib…..Helo. Haybe: Waa haybe mawliid Subax wangsan. Mawliid:
subax lamida maxa jira ala saydan. haybe: Walaal waxaan raba inaad cawa
baabuurkaga ii dhiibto balka waran. Mawliid, haye taas ma dhibleh waa sax ii
soo doono saxiib. Haybe waa ku farxay arinkaa habeenimadiina waa u doontay.
Aminta balanta
kolkii la gaadhay Haybe gabadhii doon soona qaad, hudheelkina gee in cabaara la
kaftan. Haybe: Waa xili danbe waynu iska sii nabdoon walaalo miyaanay ku la
ahayn sidaa? Hodan haa way ila qurux badan tahay inaa xili hore aado gurigayaga,
waayo hooyadey ma jecla dadka goor danbe soo hoyda. Sidii ayey ku baxeen,
iyagoo is dhaarsadey axdina meel dhigtay, sidoo kale cod iyo qoraal, ayey kala
heli jireene hada waa markii is arag toosa iskugu horaysay.
Habeen wacan
lays yidhi. Haybe iyo Hodan kama ay daalin xidhiidhkoodi walina way sii wadaan
waxay niyada ku haysa Hodan ninkii baabuurka cad watay inay markale wada
kulmaan. Haybe waa nin talo ku ciirto doorkan ma hayo wax baabuur ah, basle
waxay ka haysa inuu xaqiiqada sheego.inu cadeeyo inuu ka dhashay reer danyar ah.
Sidaasoy tahay uu jecelyaahy iyada. Arinkaa wuu ku dhiiradey. Habeenkii balanta
ka horaysay ayuu wacay, una sheegay sidii. Haybe: Walaalo Hodan waxaan doonaya
inaan arin ku sheego?
Hodan: Is ma lihi wax baa ka dahsoon hadana waan ku
dhagaysanyaaye i sheeg. Haybe: Waxad tahay noloshayda waad ogtahay inaan aad ku
jecelahay adna sidoo kale. Waxaan se jeclaystay manta inaan runta ku sheego,
waayo waxad tahay qof aan mustaqbal ka rabo.!!!!!!!!!!. Inta markuu yidhi Hodan
way yaabtay waxa sida daadka maskaxdeeda dhex dareeray fikir iyo malayn badan,
wayse is noqon wayeen humaaga ay
sawiratay iyo waaxa uu Haybe yidhi. Haybe: Hodan runtii waxaan ahay wiil daacad
ku ah, mana doonaya inaad bananka wax ka ogaato.
Ee hada
ayaan runta kuu sheegaya.:- Waxaan ahay wiilka dhashay reer danyar ah, beenta
hore aankugu sheegayna waxay daba socotay maah maahdi ahayd dumar beena ku soo
xero gali runa ku dhaq. Hodan: hiiiiihh!!!!!!!!! Waxay tidhi:- Mar haday is
yeelan waayen baabuurki cada humaaga qalbigayga hadalkaaga iyo xaqiiqadu waxay
tahay. Ana waxaan ku sheegaya inaad manta laga bilaabo ila mid tahay wiilasha
dunida jooga.
Sababto ah
nimaan aniga waxba igu soo kordhinayn, doonaya hantida aabahay inuu ila qaybsado,
isku gali mayno kaa. Hamigaygu waa wiil hanada hantina leh kaas ayaan nolol
wacan iyo haasaweba u hibayn laha. Adigu waad noqon waydey hamigayga ee
gacaliye markii igu danbeysay weeyi joooooow. Midnaxasuusnow hu’ aanad lahayn laguma haasewe
tago. Ku qanacsanownoloshaada.
Dumaraka ayaa noqdey kuwo raga ku jeclaada hantida siiba baabuurka Ildab ayaa laga hayey :-Qaarka danbuunbay xaraysanaysa ina dhaqaaji!!!!!!
Magaladan iyo gobalo kale oo ka tirsan Somaliland waxa caado u noqotay joogtaynta iibsashada baarbuurta gaarka loo leeyahay. Sheekadu waa hargaysa waxa laga qoray halhays a hayd. " Hargaysa nimaan baabuur lahayn lama amaanayn".

Qore: Mustafe Axmed Xasan
(Geenyaale)
Facebook@ Dhiiriye Mustafe Geenyaale
Xuquuqda oo dhami waxay u dhawrsan tahay © Ardaaga Geenyaale.
Lama dheegan karo.
Lama dheegan karo.
No comments:
Post a Comment