Maanso: Boqol jire sidiisaba,
Booqashada ku wacana.
Maansadan waxay curatay jimcihii
29/07/2016 waxaan ku sugnaa dhulka quruxda leh ee boqol jire. Sidoo kale uu
ku taagsaday roobabka xagaagu. Maansadan waxaan u
hibeeyey.
Hanna Axmed Jabaan oo ka mid ah dadka reer boqol jire. Sidoo kale Hanna tariikh badan iyo mahadhooyin dhawra ayaa kaga duugan boqol jire. Sidaa awgeed ayaan u gartay inay tahay qofka kaliya ee igu dhaw reer boqol jire, dhab ahaana aad u jecel xaafadda boqol jire.
Hanna Axmed Jabaan oo ka mid ah dadka reer boqol jire. Sidoo kale Hanna tariikh badan iyo mahadhooyin dhawra ayaa kaga duugan boqol jire. Sidaa awgeed ayaan u gartay inay tahay qofka kaliya ee igu dhaw reer boqol jire, dhab ahaana aad u jecel xaafadda boqol jire.
Sida balad barwaaqo ah
Ristu ay ku badantoo
Biyuhu ay dhax jiifaan
Barqo dharag lajoogiyo
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Ristu ay ku badantoo
Biyuhu ay dhax jiifaan
Barqo dharag lajoogiyo
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Buuraha cagaarka ah
Nafta baahideediyo
Galgacaylka beeraan
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Nafta baahideediyo
Galgacaylka beeraan
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Bahidaan u qabay iyo
Indhihi basaasaa
Boodhkii ka raystee
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Indhihi basaasaa
Boodhkii ka raystee
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Halka aan u bokhoole
Baryo aan ka raagiyo
Baradii jacaylkiyo
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Baryo aan ka raagiyo
Baradii jacaylkiyo
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Badarkiyo galaydii
Bisishahay xasiidii
Dadku ay badhaadhen
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Bisishahay xasiidii
Dadku ay badhaadhen
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Laydhsiga banaankiyo
Geed baaxad waynoo
Hadhka kala badhayuu
Baladkani ku caanyee
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Geed baaxad waynoo
Hadhka kala badhayuu
Baladkani ku caanyee
Boqol jire sidiisaba
Booqoshada ku wacanaa,
Beeraha bustaanka ah
Saytuunka buuxee
Babayguna ku dhinac yaal
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa,
Saytuunka buuxee
Babayguna ku dhinac yaal
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa,
Fadka soo balaadhe
Hilaacisu bilig yidhi
Barta uu ku hooriyo
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa,
Baydkeeda maansada
Bartaa aan ku gaabshe
Hanni qaado baalay
Hadyad waayi bilane
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa.
Hilaacisu bilig yidhi
Barta uu ku hooriyo
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa,
Baydkeeda maansada
Bartaa aan ku gaabshe
Hanni qaado baalay
Hadyad waayi bilane
Boqol jire sidiisaba
Booqashada ku wacanaa.
W.T.M.Geenyaale
Xuquuqda oo dhami waxay u dhawrsan tahay© Ardaaga Geenyaale.Lama dheegan karo.
No comments:
Post a Comment