Xigmadiyo Waxtarka Guurka
Dhiirigaliye Mustafe Axmed
(Geenyaale)
October 20/2015
Qaybti: 1aad
Qaybti: 1aad
|
“Miyirkiyo hubsiintuna,
Maro weeye la huwado,
Marantida haweenkana,
Hodan lagama maarmee,
Marba kii aroosiyo,
Ha maaweelin qayrkaa,
Adiguba marwada dumar,
Meher waad ku geydaa,
U Miinxiiska ruux kale,
Waxa kaaga magac-roon,
Ha laguu mashaxaradee,
Adigoo mid guursada”
“MULAAXO” “AHUN”( Abwaan Ibraahin Gadhle)
Maro weeye la huwado,
Marantida haweenkana,
Hodan lagama maarmee,
Marba kii aroosiyo,
Ha maaweelin qayrkaa,
Adiguba marwada dumar,
Meher waad ku geydaa,
U Miinxiiska ruux kale,
Waxa kaaga magac-roon,
Ha laguu mashaxaradee,
Adigoo mid guursada”
“MULAAXO” “AHUN”( Abwaan Ibraahin Gadhle)
Nabigu scw wuxuu jecelaa ineynu noqono umada ugu tirada
badan uguna tawfiiqda wanaagsan, umadaha kale ee horteen iyo imikaba jira.
Laakin inagu ma jecelnahay ineynu noqono umada ugu guurka badan, uguna sharka
yar? Sawtan guurkii laga saahidey " Somaalida oo guurku ugu jirey malko
sare oon in dhawayd dhalinteena lagu arag wax qooqa" Walow ay jiraan
qormooyin hore oo ka Hadley guurku hadana waxa uu kaga duwan yahay daahana ka
faydaya samaha ku jira iyo sida alle iyo rasuulkiisu “NNKH” u wayneeyen guurka.
Jadadka Guurka Somalida
Guurku waa heshiis u dhaxeeya wiil iyo
gabadh doonaaya inay sameeyaan ama yegleelaan qoys ama reer, ku soo biiraa
bulshadaas ay ku dhex nool yihiin. Guurku waa shay ay raali ka tahay diinteena
suubani, isla mar ahaantaasna uu inoo baneeyey allaah SWT. Wa shay uu inoo
sheegay nebigeenii suubanaa ee Muxamed NNKH. Waa shay faa'iidadiisu ugu weyni
tahay taranta iyo inaad waxka tagto kolay waari mayside si aad adiga iyo inta
kaa denbaysaba ugu aydo ubadka aad ka tekto.
Waxaynu ka
soo qaadan doona haldhigmadooda inta laysku soo gaadhsiiyey tabinta afka taa
soo ay keentay somalida oon wakhtiyadii hore waxba qori jirin, sii dhex
galkooda waxaan u dhaafi akhristaha waxanay kala yihiin sidan:
Geedfadhiisi-isasiin
Masaafogeyn-la baxsi
Dun ku xidhasho/Dhigasho
Dhabar garaac/Duulanku-qaad
Godobreeb-xaal
Heerin /u gelid
Xigsiisan-xanaano ubad
Dumaal –dani ku badey
Masaafogeyn-la baxsi
Dun ku xidhasho/Dhigasho
Dhabar garaac/Duulanku-qaad
Godobreeb-xaal
Heerin /u gelid
Xigsiisan-xanaano ubad
Dumaal –dani ku badey
"hu'
magaalo lama xidhee
hoybaa laga galaa
hammadeyga jilaal,
gadiid lama haybiye
haweenka tii wacanba
hablaha lagala baxa"
M.A.GEENYAALE.
Tixdan gaaban waxay igu dhalatay
markaan eegay dhalinta ku nool magaalooyinka somalida gar ahaan intaan dhaadey,
waxaan kala kulmay dhalin markay gaadhaan labatan/20 jir waxay ku taaman
meherad iyo baabuur cad cad. Hadiiba se
ay heleen waxay hilmaamen hamigoogi nololeed ee ku aadana
timaadadooda/mustaqbalkooda. waxa u feedha hablo, iyaguna wadhaaba ma hayaan, waxay seexdaan
gago cidlo ah waxay ku faraxsan yihiin kalinimada waxa xusid mudan alle swt
mooye inaan cid kali ahi jirin. yareynta tafiirta bulshada muslimka ahi waxay
ka hor imanaysaa rajadii rasuulka muxamed nnkh.
Waa maxay
guurku: Waa shayga sunaha ah hadana loogu dhaqmo sida waajib ka oo kale.
Majiraan siyaabo kale oo loo qeexi kara? Haa dhanka diinta hadeynu Ku dabaqno
waxay na odhaneysaa sidan: Dhanka quraanka alle wuxu yidhi
(SWT) قَ"الَ االلهُ تَعَالَ"ى:
{وَمِ6نْ آيَاتِ6هِ أَنْ خَلَ6قَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْ6كُنُوا إِلَ6يْهَا وَجَعَ6لَ بَيْ6نَكُم مَّ6وَدَّةً وَرَحْمَ
(SWT) قَ"الَ االلهُ تَعَالَ"ى:
{وَمِ6نْ آيَاتِ6هِ أَنْ خَلَ6قَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْ6كُنُوا إِلَ6يْهَا وَجَعَ6لَ بَيْ6نَكُم مَّ6وَدَّةً وَرَحْمَ
لآَيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ}
{سورة الروم:21}.
(Calaamadihiisa "awooddiisa iyo inuu keligiis in la caabbudo mudan yahay waxa ina tusinaya" waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacal iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado "lagu waana qaato" u tahay qolo fekeraysa) (Ar-Ruum: 21). Alle swt waxa uu inoo soo dajiyey qur'aan aynu isku maamulno, kuna dhaqano inteena fikireysaana wax ku qaadato. Lasoco...................
(Calaamadihiisa "awooddiisa iyo inuu keligiis in la caabbudo mudan yahay waxa ina tusinaya" waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacal iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado "lagu waana qaato" u tahay qolo fekeraysa) (Ar-Ruum: 21). Alle swt waxa uu inoo soo dajiyey qur'aan aynu isku maamulno, kuna dhaqano inteena fikireysaana wax ku qaadato. Lasoco...................
Waxa u soo baxay maqaalkani. Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale) Oct/20/2015
Alla Mahad Leh
Copyright
© Ardaag-Geenyaale.blogspot.com, All
rights reserved
01/01/2016