Thursday, December 31, 2015

Xigmadiyo Waxtarka Guurka

Xigmadiyo Waxtarka Guurka

Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale)
October 20/2015
                       
Qaybti: 1aad          


 “Kuma galo adduunyada
 Ninna goonni-socodkoo
 Marwo garasho dheer baa
 Ninka raga u gudinoo
 Iyadaa guddoonkiyo
 Gadh-hayaa naftaadiyo
 Gaadiidka reerkiyo
 Gurgurshaaga noqotoo
 Arrin kula gorfaysee
 Haddaan gaari kula jirin
 Illaa noloshu guul ma leh”

“ HABLAHA GEESKA”
(M.IB.WARSAME HADRAAWI)
 
“Miyirkiyo hubsiintuna,
Maro weeye la huwado,
Marantida haweenkana,
Hodan lagama maarmee,
Marba kii aroosiyo,
Ha maaweelin qayrkaa,
Adiguba marwada dumar,
Meher waad ku geydaa,
 U Miinxiiska ruux kale,
Waxa kaaga magac-roon,
Ha laguu mashaxaradee,
Adigoo mid guursada”
MULAAXO” “AHUN”( Abwaan Ibraahin Gadhle)

Nabigu scw wuxuu jecelaa ineynu noqono umada ugu tirada badan uguna tawfiiqda wanaagsan, umadaha kale ee horteen iyo imikaba jira. Laakin inagu ma jecelnahay ineynu noqono umada ugu guurka badan, uguna sharka yar? Sawtan guurkii laga saahidey " Somaalida oo guurku ugu jirey malko sare oon in dhawayd dhalinteena lagu arag wax qooqa" Walow ay jiraan qormooyin hore oo ka Hadley guurku hadana waxa uu kaga duwan yahay daahana ka faydaya samaha ku jira iyo sida alle iyo rasuulkiisu “NNKH” u wayneeyen guurka.

Jadadka Guurka Somalida
Guurku waa heshiis u dhaxeeya wiil iyo gabadh doonaaya inay sameeyaan ama yegleelaan qoys ama reer, ku soo biiraa bulshadaas ay ku dhex nool yihiin. Guurku waa shay ay raali ka tahay diinteena suubani, isla mar ahaantaasna uu inoo baneeyey allaah SWT. Wa shay uu inoo sheegay nebigeenii suubanaa ee Muxamed NNKH. Waa shay faa'iidadiisu ugu weyni tahay taranta iyo inaad waxka tagto kolay waari mayside si aad adiga iyo inta kaa denbaysaba ugu aydo ubadka aad ka tekto.
Waxaynu ka soo qaadan doona haldhigmadooda inta laysku soo gaadhsiiyey tabinta afka taa soo ay keentay somalida oon wakhtiyadii hore waxba qori jirin, sii dhex galkooda waxaan u dhaafi akhristaha waxanay kala yihiin sidan:
Geedfadhiisi-isasiin
Masaafogeyn-la baxsi
Dun ku xidhasho/Dhigasho

Dhabar garaac/Duulanku-qaad
Godobreeb-xaal
Heerin /u gelid
Xigsiisan-xanaano ubad
Dumaal –dani ku badey

"hu' magaalo lama xidhee
hoybaa laga galaa
hammadeyga jilaal,
gadiid lama haybiye
haweenka tii wacanba
hablaha lagala baxa
"
M.A.GEENYAALE
.
Tixdan gaaban waxay igu dhalatay markaan eegay dhalinta ku nool magaalooyinka somalida gar ahaan intaan dhaadey, waxaan kala kulmay dhalin markay gaadhaan labatan/20 jir waxay ku taaman meherad iyo baabuur cad cad.  Hadiiba se ay heleen waxay hilmaamen hamigoogi nololeed ee ku aadana timaadadooda/mustaqbalkooda. waxa u feedha hablo,  iyaguna wadhaaba ma hayaan, waxay seexdaan gago cidlo ah waxay ku faraxsan yihiin kalinimada waxa xusid mudan alle swt mooye inaan cid kali ahi jirin. yareynta tafiirta bulshada muslimka ahi waxay ka hor imanaysaa rajadii rasuulka muxamed nnkh.

Waa maxay guurku: Waa shayga sunaha ah hadana loogu dhaqmo sida waajib ka oo kale. Majiraan siyaabo kale oo loo qeexi kara? Haa dhanka diinta hadeynu Ku dabaqno waxay na odhaneysaa sidan: Dhanka quraanka alle wuxu yidhi
(SWT) قَ"الَ االلهُ تَعَالَ"ى:
{وَمِ6نْ آيَاتِ6هِ أَنْ خَلَ6قَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْ6كُنُوا إِلَ6يْهَا وَجَعَ6لَ بَيْ6نَكُم مَّ6وَدَّةً وَرَحْمَ
لآَيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} {سورة الروم:21}.
 (Calaamadihiisa "awooddiisa iyo inuu keligiis in la caabbudo mudan yahay waxa ina  tusinaya" waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacal iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado "lagu waana qaato" u tahay qolo fekeraysa) (Ar-Ruum: 21). Alle swt waxa uu inoo soo dajiyey qur'aan aynu isku maamulno, kuna dhaqano inteena fikireysaana wax ku qaadato. Lasoco...................


Waxa u soo baxay maqaalkani. Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale) Oct/20/2015

                                           Alla Mahad Leh

Copyright © Ardaag-Geenyaale.blogspot.com, All rights reserved

 01/01/2016

No comments:

Post a Comment

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...