Sunday, December 27, 2015

ODAYGU CIMRIGIISA MUU GARAN

ODAYGU CIMRIGIISA MUU GARAN

“Qaran kastaaba waa qaran, Se inaga qarankeenu waa qabiil iyo qoys”

Muwaadin waxaad ogaata wax-qabadku inaanu ahayn, inta lagugu muujiyey muraayada TVga
qaranka. Se markaynu dawlad sheegayno way ka duwantahay tan oo kale waanu ka wayn yahay waxay qabata wax hal barnaamij lagu soo bandhigo.

Akhriste waxaad maalin walba maqasha
hantidii umadaa la iibiyey, oo ay qorayaan warsidayaashu, laakin taa dastuurka dhigaya awoodna usiiyey. Se qodobka way ka badhtagayaan ee waxa uu qeexaya in lagu badalo wax u dhigma, wixii la
gadey.

Taasna maynu maqal wali. Waxaney cadeyn u tahay taasi, iney hantidii umadu ku dhacdey
jeeb nin. waxba yanan hadal kugu daaline. Abwaan caanaba yidhi
“Sharciga wadhatada ganaaxa Wasiirkana gool u looga”
“sharciga saddex gole ka kooban hadana guri qudhuhi istaadho”
 WEEDH-SAME

Ma aqaan maqaalada iyo qormooyinka curiska ah, sida loo xardho qoraalkooda. Se waxay igu
qasbeysaa wixii aan ku cabiray dareenkayga, kuna miisaamey maskaxdayda yar, Inaan ku soo bandhigo qaab qoraleed. Madaamo farta la igu daray waxna aan ka faa’iday. Waxaan dhaxal siinaya qormadani inta qalinka igaga horeysa, si ay usii balaadhiyaan afkaarteyda, waxna iga reeban, hal
xarafna ha noqdee in ay ii sheegaan qaladkayga dhanka qoraalka.
Intaas afeef iyo hordhac dheh, sheekadu waxay na odhaney saa sidan;


Beri hore ayaa waxa jiray Odey faqiir ahaa oo da’diisu ahayd ilaa sanno jir, nolol aad u daran
ayuu ku noolaa, xaaladiisa aadka u xun ayaa waxa ka damqaday oday maqaaxi haystay,
maqaaxidaas oo lugu iibin jiray maan dooriyaha jaadka loo yaqaan, odaygii wuxuu shaqo ugu
dhigay inuu jeex jeexo xidhmooyinka jaadka ah ee lagu iibin jiray maqaaxidiisa.
Wuxuu shaqadaa wadaba, beri danbe ayaa loo sheegay islaan duq ahayd oo eddo u ahayd in ay
xanuusanayso oo sakaraad tahay, islaantii ayaa waxay ku dar-daarantay in odaygii dhaxlo, islaantii
ayaa dhimatay, waxa dhaxalkii lugu wareejiyey odaygii faqiirka ahaa.


Odeygii waa is badalay, dhaxal aad u badan ayuu helay, wuxuu eegay lacagta uu haysto iyo
cimrigiisa inta u hadhay, wey is qaban weyday, waxa dhinac u batay lacagta uu dhaxalka u helay,
cid uu uga tago dhaxal ahaan ma jirto. Xisaabtii ayuu ku noqday wuxuu is yidhi intee inleeg ayaad
sii noolaan kartaa, wakhti yar ayuu goostay inuu sii noolaan karo.
Maalin ayuu arkay Wiil iyo Gabadh yar oo sheekaysanaaya, su’aalo ayuu weydiiyey MA IS
JECESHIIN, MA JECLAAN LAHAYDEEN INAAD IS GUURSATAAN, IYO QAAR KALOO BADAN.
Jawaabo HAA u badan markii uu helay ayuu la jeclaaday lacagtii inuu isugu guuriyo, guri ugu dhiso,
meherad ugu abuuro. Muddo ka dib markii uu gurigii labada mucaashaq u yagleelay ayaa odaygii
waxa gabo gabo ka noqotay lacagtii.
Wax yar ka dib lacagtii ayaa dhamaatay, waxba uma soo hadhin. Imika odaygii aad ayuu u sii
gaboobay ma awoodo hadii uu xataa heli lahaa shaqadii berigii hore inuu ka sii shaqeeyo.
Dulucda sheekadu waa:
Dadkani qofbey doorten, se qoys kolba laba la isku dhiso iyo reer dhan oo sidii boqortooyada xilka
wada haya, Umay codeyn maalintay bacadka kuu taagnayeen. Waxa kaloo mid aan la iloobi Karin
ah.
Dalkani markay xiniintiisi dhimatay, ayuu waraabe kastaaba haweystey hogaankiisa.
(AHUN MADAX-WAYNE M. X. IBRAAHIM CIGAL) markuu noola mu hawaysan jirin xilka uu manta
hayo.



Isaga iyo qaar badan ba way ka haajireen intuu ma jaraha umada u hayay marxuunku.
Hadii aad dhaadatid qormada sheekadan, aadna usii dhuuxdid waxa aad ka dheehan kartaa
marxalada dalku manta ku sugan yahay, iyo maawelada madaxdu inoo matalayso. Ee malinba meel
lagu murmayo sida mudo kordhin wanqasheedi iyo axankeediba golaha guurtidu meel mariyeen.
Hadaba si aynu u fahano sheekada, waa ineynu soo qaadana tusaale la odhan karo waa ay is noqon
karaan. Wana shaqsiga ugu sareeya xukumada, oo maanta jooga da’da aynu ku soo qadan doono
sheekadan. Inagoon badheedhaha kala gabanayn, waxaad ku arki kartaa dhaliilo uu
xambaarsanyahay dhambaalakani, kuna qotoma xidhiidhna la leh xukumada iyo madax-waynaha
laftiisa.
Magacaabista maalin walba taagani ma maaraynta danaha bulshadaa mise waa manfac doon. Garan
maayo aniguye idinkaan idiin dhiibay.
Odaygu waa gadhwadeenka xukumada, kaa si oo markuu qabsadey xilka, siduu wad kiisa ogyahay
iney kaga dhantahay ( ) shanta sano, bulshada ku beerlaxaw sadey hadaladan. “MAALIN LA IGU
DARI MAAYO”

Xalka sidaan u arko:
“Abidkeyba axsaabta qaranka iyo ruux isa sharaxay uma ololeyn. Sababtuna waxay tahay wali maan
arag, nimaan idhaa wuu uqalma inaad siiso codkaaga, manaan ilaabin inaan xaq u leeyahay in la
idoorto iyo inaan wax doortaba.”
 Geenyaale
Shacbiga oo u hogaansanaada xeerarka iyo sharciga dalku, waxay horseed u tahay iney helaan
waxay ku hanwayn yihiin .
Muwaadiniinta oo garta xaqa lagu leeyahay iyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin.
Taasina waxay wadiiqo u tahay in la helo hal-doorkii dalkani majaraha u qaban lahaa. Horaa loo
yidhi; “Haani guntay ka tolantaa”
Bulshada leh hami iyo himilo iyo hiigsiba waxay heli karaan, hogaamiye ay ku ladaan.
Waan ogahay oo maan sheegin xalka lagu toosin lahaa xukumad qalooc galay. Se anuu waxaan eeda
saarayaa mar walba umada reer Somaliland oon u bisleyn, sharcigu wuxuu yahay iyo dawladi
waxay tahay.

Yaa xaq uleh in la doorto;
Anuu sidaan qabo nin xorka ah qabyaalada, aqoona leh, xogta shacabkiyo ka dharagsan xeerkiyo
sharciga dalka lagu maamulo.
Ma jirto qoraalada dan aanka leeyahay oon ahayn jiilka danbe uga tag tariikh sugan.
Waxaana wanaagsan in qalinka la wada adeegsado, waliba dhanka wanagsan.


Qorista maqaaladuna waa sidii aan u noqon lahaa qoraa dhadhan iyo dux leeyahay qoraalkisu.
Sixida qalad kaygu waa dhiirinta qoraalkeyga, akhriste waxaan kaa codsanaya inad wixii talo iyo
tusaaleyn ah ee ku waajahan qoraalkeyga, igu soo hagaaji halkan.

Maalkan waxa la qoray 2015/6/20

Mustafe A. (Geenyaale)
Suxufigenyaale@Gmail.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...