Han sare iyo Garwaaqsi nafeed
--------------------------------------------------------
MUSTAFE AXMED (GEENYAALE)
SUXUFIGENYAALE@GMAIL.COM
30/oct/2013
-----------------------------------------------------------
Hadhka maalineediyo
habeenkii waxaan
haybiyaa samaha
Hadaad hesho guul
Hamabalyadaan dira
Hadaad is hilmaanto
Adaan Ku hawlgala
Intaa Ku hiirtaamaya
Adna waad iga heshaa
Sidaan hiilkugu ahay
Dhiirin ban Ku hibeeya
Hubaal runta Kugu sada
Hadaad ii qirayso
Waxan ahay halyey
Jecel horumarkaaga
Waxan ahay hanad
Haybiya wanaagaga
Inta hadheyna geesi
Adaan Ku hanbeeyay
Hawraarsan gaariyey.
MANSADII (DHIIRIN) “DHIIRIGALIYE GEENYAALE”
Ruux han sare lihi ma hungoobo hadimada iyo halisaha uu umarayo guusha wuxuu u arkaa dawgii uu ku gaadhayey hiigsigiisa, waxanu ka door bidaa markey dhamaadan dhibta uu qaabilay waxay soo baxayaan oo uu ka rajeeyo timaadadii/mustaqbalkii uu sugayey. Ma jirto guul ku timaad dhib la’aan,hadii aad aragto guuldaro waxa ku xiga guushii oon wax kale u dhaxayn iyada iyo guuldarada.
“Inaad hamido nolashaada Ku dhisan
inaad yoolkaga ka dhabaysana halis iyo dhibay leedahay
inaad dhabar adeygtaana guusha dhabadeeda weeyaan” “GEENYAALE”
Wuxuu baadi goobayaa nolol badhaadhe leh bad wayn bu Ku biimaynayaa naftiisa, isagoon is baranbuu iska boodayaa buufis buu qaba buuxiyey xiskiisa wuxuu baylihiyey tiisii tukaluh Ku baanayaa inuu Baal dahaba ka galidoono, wuxuu moogyahay inuu baadi Ku sugan yahay, wuxuu rabaa badbaadin waxa ka seexdey oo birkimada dheeraystay maankiisi fikiri lahaa dhalin lahaa waxuu dheefsado dadkuna dhaxlaan damiirkaa dhintay. Maaha daruuri inaad noqoto qof jidh ahaan qurux badan, aduun ahaan maal badan, mansab ahaana magac dheer, dall ahaana isku filan. Se waa inaad noqoto ruux maskax ahaan iyo fikir ahaan xor ah curin/hindisi Kara wax randhiis u leh bulshadiisa.
Noqo ruux haduu diri dago iyo haduu gacmo madhan yahayba dhisan Kara nolol sees iyo taxad leh oo Ku badhaxtiran diintiyo dhaqanka, waa inuu ku dhaata wanaaga iyo samaha dalkiisa. kana fikira bulshada horumarkeda kuna taama inu gaadho halku joogo meel ka dheer isagoon hilmaamayn inay dantiisu Ku jirto danaha bulshada ay isku doonta rabi ka dhigay. Waa inaad ka fikirtaa maxaa ka dhiman se ha odhan maxaa la ii qabatay se la isoo wada. Ha isku halayn ruuxna waayo adaa kasbana Kara maanka dadka fikradaha togan, Isu qir inaad tahay qof qaaliya aduunyadu u baahan tahay nolashiisu qiimo u leedahay bulshadiisa. Isu qir inaad tahay qof dhalin Kara dhaqaajin Kara dhidibada u taagi Kara nolol cusub oo tan dhaanta, noqo ruux u dhabar adeyga dhibta waa xaqiiqo inaad guusha hanan doonto hadaanad is dhiibin waayo dhabada guushu waa inaad adkaysi yeelato iyo dulqaad badan dhibaatada waa inaad Ku dhoola cadeysaa guushana Ku faraxdaa. Ha qancin hadaad qarfiyo Ku nooshahay meel qalalan yurubtuba marbay ahayd qaarad qatane markey gaajadu qabateey maskaxda maaleeno qorshiyo samaysteen waxay quutan.
Adiguna qof baad tahay qaadir ka dhaliyey dad khayr badane qayrkood ma tihidoo waad ka qiimo badan tahee samo iyo quruxiyo nolol qabwayn baan qalbiga Kala jecelahay. Qaab kaad u nooshahaan raba inaan kula qorsheeyaye aniguba qiray inaad qiimo leedahee maxaa bustaha Ku qooyay, ee qafilka Kugu xidhiyo qardhaasta tahriibka. Ma tihid qalfoof iyo quraarad aan hadlayne inaad wax qaban kartaan kuu qeexayaaye quraan kiyo waxay Ku taal qawlka eebe ha ka quusan rajada rabaa qalimada hayee. Waxa jira maalin aad aad sugayso se manta ha ka quusan kana dhigo inay tahay tii aad sugaysay si ay kugu wacnaato. Hana qawadin waxaad qudanayso hana qoomamayn qadar dhacay shalay. Arkaanu imaanka ayaad ku rumaysay qadarka waa inaad ku xamdiada dhibta iyo dheeftaba.
Waa quban aduunyadu qarniyo soo taxneeydo intaa way qabri galaysay qaarna dhalanayeen, waana sidii loo abuuray inay Taranto qaarna akhiro ama dhulka hoostiisa/qabri tagaane, qisooyin wax lagu qaatiyo waa taarikh qaamuska gashee adiguna qofyahow damiirka qanjiidhi waad hanan kartaa qiyamka nololeede. Hibooyinka quusay gudaha nftaada ee ku dhex qamiiray maanka banaanka ku soo qub xata hadey sidii qolof diin qalafeen ha quusane ku dhiiro inaad ictiraafto naftaada, garwaaqso hankaaga. Waa inuu ku qeexnaada qorshe nololeedkaagu si aanad uga halabin dariiqa hiigsigaaga yoolkaga meel ku muuji hadii aad himiladu waxay ku farayso aad sida ugu haboon ugu dhaqaaqdo waad gaadhi halkaad jamatey.
Waxaan ku gunaanadaya qormadan kooban inaynu u dalxiis tagno nafteena gudaheeda ogaano diidmadeeda iyo doonideeda ogaano waxay ku fiican tahay iyo waxayna ku ficnayn, ma jiro qof dunida korkeega bilaa hibo nooli ruux walba waxba ka dhex gurxamaya oo maankisa dhex goosha isla markaana waa inaynu ku dhiirano soo bandhigida hibooyinka alle inagu galadey. Hadii aad naftaada u istaagto, samayso nolol qaab dhismeedkeedu ku dhisan yahay diinta islamka lehna dhiirasho iyo fikir curin ku dhaqaaqid ka dhab sheegid yididiilado, ka dhalaalid meeshu ku dhago/damco. Waa inaad noqdantaa saddexdan, dhaliye,dhaqaajiye,dhidbe/bartaas ku haye, waad guulaysan waxaad noqon ruux la haybiyo halkuu joogo hadiyo goor.
Qoraalku waa ma guraanka lagu bulsha kastaaba ka dhawrto dhaxalkooda waana xirfadaha ugu qaalisan aduunka mana gayaan minguurin iyo akhrin la’aan midna,waxaan ku dhaafaya wixii talo ah igu dir sumada hoos ku xardhan.
MUSTAFE AXMED (GEENYAALE)
GENYAALE@FACBOOK.COM
SUXUFIGENYAALE@GMAIL.COM
#2015octDMG
Waxaan heegan ugu jira koru qaadida iyo ilaalinta diinta, dhaqanka iyo afka. sidoo kale dhiirigalinta bulshadu waa nolol maalmeed kayga. "Hadhka maalineediyo habeenkii waxaan haybiyaa samaha Hadaad hesho guul Hamabalyadaan dira Hadaad is hilmaanto Adaan Ku hawlgala Intaa Ku hiirtaamaya Adna waad iga heshaa Sidaan hiilkugu ahay Dhiirin ban Ku hibeeya Hubaal runta Kugu sada"
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay
Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...
-
Maansada qurux iyo dadnimo ley Maansadan oo soo baxdey bishii 5/2014 kii waa maanso ka hadleysa jacayl ku talaxtagay ruux u tigtigan da...
-
Xigmadiyo Waxtarka Guurka Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale) October 20/2015 ...
-
Sooyaalkii Nololeed iyo shaqo ee Marxuum Axmed Xasan Sh.Suufi “Cawke” Hordhac: Dhamaan waxaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, ...
No comments:
Post a Comment