Hogaaminta Wanaagsan
-------------------------------------------------
-------------------------------------------------
02/May/2014
Hogaamiye Fogaan arag ah, aanse ahayn gadaal arag, waa ka kaliye lagu gaadhi Karo horumar dhankasta leh.
"Hanaanka iyo geedi socodka hogaanka hagaagsani, waa hormoodka hogaanada, umada horumarkeeda,dalka hiigsigiisa helida aqoonsiga"
Han yeelo dhibatada kuu muqata adiga ayaa saari kara, waayo anigu ma arkayo, ama si kale ayey igu muuqata waayo isku aragti ma nihin. Mushkilad kasta way wada arkaan mufakiriintu se xalka isku si uma wada arkaan. Yeelo yididiilo iyo kalsooni go'aan qaadasho Ku dhiiro inaad noqoto Hogaamiya wax badela. Lana tilmaansado laga dhigto hal-door la hiigsado.
La hadal maankaga, Muuji wanaagaga si aad u noqoto mid guulaysta dhoola cadee marwalba, lakiin doqon ha noqon qariya nimcada illahay Ku mahad naq marwalba. Maamul oo maare noloshaada.
Ogaanshaha Hibadaada
25/Jun/2013
Barida hibadaada iyo rabitaanka iyo u hiloobidiyo hiigsiga guushada, waxa kaabe u ah iyo wadiiqo loo maro, garwaaqsiga iyo cisaynta nafta, fikirka togan iyo samaysiga qorshe qoraal Ku qaabaysan oo adiga kuu gaara."
Geedi socodka noloshaada uga faa'ideyso awoodaha rabi kugu gadaamey kuna manaystay guduhaaga nafeed.
"Hore u soco naftii Ku leh
How raadin hagardaamiyo
Wax hoos u dhigaaya
Hibashada xasuusnow
Halkaad jamatey waagii
Hiigso meelka durugsan
haw jabin cadaawaha
Ka hadh ma hindisaha
Hal-abuurka halabso
Halka ayku caweeyan
Iyaga hogaanee
Ha sideynin waligaa
Hoygaad dageysiyo
Ha hilmaamin dalkaga
U hami hadiyo goor
U hawl gal horumarkiisa"
How raadin hagardaamiyo
Wax hoos u dhigaaya
Hibashada xasuusnow
Halkaad jamatey waagii
Hiigso meelka durugsan
haw jabin cadaawaha
Ka hadh ma hindisaha
Hal-abuurka halabso
Halka ayku caweeyan
Iyaga hogaanee
Ha sideynin waligaa
Hoygaad dageysiyo
Ha hilmaamin dalkaga
U hami hadiyo goor
U hawl gal horumarkiisa"
"Waxaad tahay tijaar hadaad garato hibadaada waayo waa ta kaliye Ku dhaxal siisa guushada, iyadoo kuu samayn karta nolol farxad leh. Tusaale:- Hadii aanad ku farax sanayn shaqadaada ama waxaad baranayso guuli kaa dheer. taasi macnaheedu waxay tahay farxada hore ayaa wadata guusha danbe. Garwaaqso naftaada isu qir inaad tahay qaali hibadiisu qiimo leedaho loo riyaaqo. Dadkan oo dhami adey Ku rajeynayaan adiga hada adiga ka kac meesha iyo hoosaynta, kasbo inay Ku hoos timaad riyadaadu noloshaada hogaanka u qabo"
Qormooyin kani kala jaadka ah hadana waxaad mooda inay bah wadaag yihiin, iyadoo ay sanado kala fog la qoray hadana way is shabahaan. Waxaan qori jiray wakhtiyadaa qoraalo koob kooban sida ka muuqata hada. Waan hubaa inay wuxuun ka anfici dooanan hadaad ila dhugatey aadna u dhuuxdey mahad sanid akhriste.
(W.Q.Dhiirigaliye Geenyaale)
No comments:
Post a Comment