Thursday, December 31, 2015

Maanso Waddani ah Calan keena Dheeha leh

Maansadan waxaan tiriyey 2004 waxana la yidhaa:-

 “Calan keena dheeha leh”

Dhaqan kiina haystoo
hidihiina dhawroo
dhayal maaha heestuye
sugaan dhamaystiran
baan kuu dhuraaya
dhaxal kaaga dhigaya,

Calankeynu dhidibnee
dhulka aan ku taagne
dhalaan iyo cirooleba
waa loo dhamaaye
manta waa dharaartey
dhiig shubato guurte,
nacabkii ina dhaafe
ka danbeysay dhibicdii
dhameel ku soo baxay,

calankeena dheeha leh
midabadiisa kala dhigan
dhexdu ay cadaan tahay
xidigtuna u dheertahay
dhanka sare cagaarkiyo
lagu dhigay tawxiidke
xusuus aan dhamaan
dhiig hoose laga dhigay,

Dhamaan somalilaan
dhud iyo laan noqote
umidowdey dhurwaagii
shalay dhuuxeda laastey
dhan qudha ka jeesten
hormarna udhaqaaqen,

Dabaqadaha dhaadheer
nabadbey ku dhisan yihiin
calankeeyaga dheeha low
dhaxal baad noo tahe
ha dhicinoo ha dheeliyin
dhibta rabigay kaa dhawr. 

        Alla Mahad Leh

W.T.Dhiirigaliye Geenyaale
Suxufigenyaale@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...