Thursday, December 31, 2015

Xigmadiyo Waxtarka Guurka

Xigmadiyo Waxtarka Guurka

Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale)
October 20/2015
                       
Qaybti: 1aad          


 “Kuma galo adduunyada
 Ninna goonni-socodkoo
 Marwo garasho dheer baa
 Ninka raga u gudinoo
 Iyadaa guddoonkiyo
 Gadh-hayaa naftaadiyo
 Gaadiidka reerkiyo
 Gurgurshaaga noqotoo
 Arrin kula gorfaysee
 Haddaan gaari kula jirin
 Illaa noloshu guul ma leh”

“ HABLAHA GEESKA”
(M.IB.WARSAME HADRAAWI)
 
“Miyirkiyo hubsiintuna,
Maro weeye la huwado,
Marantida haweenkana,
Hodan lagama maarmee,
Marba kii aroosiyo,
Ha maaweelin qayrkaa,
Adiguba marwada dumar,
Meher waad ku geydaa,
 U Miinxiiska ruux kale,
Waxa kaaga magac-roon,
Ha laguu mashaxaradee,
Adigoo mid guursada”
MULAAXO” “AHUN”( Abwaan Ibraahin Gadhle)

Nabigu scw wuxuu jecelaa ineynu noqono umada ugu tirada badan uguna tawfiiqda wanaagsan, umadaha kale ee horteen iyo imikaba jira. Laakin inagu ma jecelnahay ineynu noqono umada ugu guurka badan, uguna sharka yar? Sawtan guurkii laga saahidey " Somaalida oo guurku ugu jirey malko sare oon in dhawayd dhalinteena lagu arag wax qooqa" Walow ay jiraan qormooyin hore oo ka Hadley guurku hadana waxa uu kaga duwan yahay daahana ka faydaya samaha ku jira iyo sida alle iyo rasuulkiisu “NNKH” u wayneeyen guurka.

Jadadka Guurka Somalida
Guurku waa heshiis u dhaxeeya wiil iyo gabadh doonaaya inay sameeyaan ama yegleelaan qoys ama reer, ku soo biiraa bulshadaas ay ku dhex nool yihiin. Guurku waa shay ay raali ka tahay diinteena suubani, isla mar ahaantaasna uu inoo baneeyey allaah SWT. Wa shay uu inoo sheegay nebigeenii suubanaa ee Muxamed NNKH. Waa shay faa'iidadiisu ugu weyni tahay taranta iyo inaad waxka tagto kolay waari mayside si aad adiga iyo inta kaa denbaysaba ugu aydo ubadka aad ka tekto.
Waxaynu ka soo qaadan doona haldhigmadooda inta laysku soo gaadhsiiyey tabinta afka taa soo ay keentay somalida oon wakhtiyadii hore waxba qori jirin, sii dhex galkooda waxaan u dhaafi akhristaha waxanay kala yihiin sidan:
Geedfadhiisi-isasiin
Masaafogeyn-la baxsi
Dun ku xidhasho/Dhigasho

Dhabar garaac/Duulanku-qaad
Godobreeb-xaal
Heerin /u gelid
Xigsiisan-xanaano ubad
Dumaal –dani ku badey

"hu' magaalo lama xidhee
hoybaa laga galaa
hammadeyga jilaal,
gadiid lama haybiye
haweenka tii wacanba
hablaha lagala baxa
"
M.A.GEENYAALE
.
Tixdan gaaban waxay igu dhalatay markaan eegay dhalinta ku nool magaalooyinka somalida gar ahaan intaan dhaadey, waxaan kala kulmay dhalin markay gaadhaan labatan/20 jir waxay ku taaman meherad iyo baabuur cad cad.  Hadiiba se ay heleen waxay hilmaamen hamigoogi nololeed ee ku aadana timaadadooda/mustaqbalkooda. waxa u feedha hablo,  iyaguna wadhaaba ma hayaan, waxay seexdaan gago cidlo ah waxay ku faraxsan yihiin kalinimada waxa xusid mudan alle swt mooye inaan cid kali ahi jirin. yareynta tafiirta bulshada muslimka ahi waxay ka hor imanaysaa rajadii rasuulka muxamed nnkh.

Waa maxay guurku: Waa shayga sunaha ah hadana loogu dhaqmo sida waajib ka oo kale. Majiraan siyaabo kale oo loo qeexi kara? Haa dhanka diinta hadeynu Ku dabaqno waxay na odhaneysaa sidan: Dhanka quraanka alle wuxu yidhi
(SWT) قَ"الَ االلهُ تَعَالَ"ى:
{وَمِ6نْ آيَاتِ6هِ أَنْ خَلَ6قَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْ6كُنُوا إِلَ6يْهَا وَجَعَ6لَ بَيْ6نَكُم مَّ6وَدَّةً وَرَحْمَ
لآَيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} {سورة الروم:21}.
 (Calaamadihiisa "awooddiisa iyo inuu keligiis in la caabbudo mudan yahay waxa ina  tusinaya" waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacal iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado "lagu waana qaato" u tahay qolo fekeraysa) (Ar-Ruum: 21). Alle swt waxa uu inoo soo dajiyey qur'aan aynu isku maamulno, kuna dhaqano inteena fikireysaana wax ku qaadato. Lasoco...................


Waxa u soo baxay maqaalkani. Dhiirigaliye Mustafe Axmed (Geenyaale) Oct/20/2015

                                           Alla Mahad Leh

Copyright © Ardaag-Geenyaale.blogspot.com, All rights reserved

 01/01/2016

Maanso Waddani ah Calan keena Dheeha leh

Maansadan waxaan tiriyey 2004 waxana la yidhaa:-

 “Calan keena dheeha leh”

Dhaqan kiina haystoo
hidihiina dhawroo
dhayal maaha heestuye
sugaan dhamaystiran
baan kuu dhuraaya
dhaxal kaaga dhigaya,

Calankeynu dhidibnee
dhulka aan ku taagne
dhalaan iyo cirooleba
waa loo dhamaaye
manta waa dharaartey
dhiig shubato guurte,
nacabkii ina dhaafe
ka danbeysay dhibicdii
dhameel ku soo baxay,

calankeena dheeha leh
midabadiisa kala dhigan
dhexdu ay cadaan tahay
xidigtuna u dheertahay
dhanka sare cagaarkiyo
lagu dhigay tawxiidke
xusuus aan dhamaan
dhiig hoose laga dhigay,

Dhamaan somalilaan
dhud iyo laan noqote
umidowdey dhurwaagii
shalay dhuuxeda laastey
dhan qudha ka jeesten
hormarna udhaqaaqen,

Dabaqadaha dhaadheer
nabadbey ku dhisan yihiin
calankeeyaga dheeha low
dhaxal baad noo tahe
ha dhicinoo ha dheeliyin
dhibta rabigay kaa dhawr. 

        Alla Mahad Leh

W.T.Dhiirigaliye Geenyaale
Suxufigenyaale@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Sunday, December 27, 2015

ODAYGU CIMRIGIISA MUU GARAN

ODAYGU CIMRIGIISA MUU GARAN

“Qaran kastaaba waa qaran, Se inaga qarankeenu waa qabiil iyo qoys”

Muwaadin waxaad ogaata wax-qabadku inaanu ahayn, inta lagugu muujiyey muraayada TVga
qaranka. Se markaynu dawlad sheegayno way ka duwantahay tan oo kale waanu ka wayn yahay waxay qabata wax hal barnaamij lagu soo bandhigo.

Akhriste waxaad maalin walba maqasha
hantidii umadaa la iibiyey, oo ay qorayaan warsidayaashu, laakin taa dastuurka dhigaya awoodna usiiyey. Se qodobka way ka badhtagayaan ee waxa uu qeexaya in lagu badalo wax u dhigma, wixii la
gadey.

Taasna maynu maqal wali. Waxaney cadeyn u tahay taasi, iney hantidii umadu ku dhacdey
jeeb nin. waxba yanan hadal kugu daaline. Abwaan caanaba yidhi
“Sharciga wadhatada ganaaxa Wasiirkana gool u looga”
“sharciga saddex gole ka kooban hadana guri qudhuhi istaadho”
 WEEDH-SAME

Ma aqaan maqaalada iyo qormooyinka curiska ah, sida loo xardho qoraalkooda. Se waxay igu
qasbeysaa wixii aan ku cabiray dareenkayga, kuna miisaamey maskaxdayda yar, Inaan ku soo bandhigo qaab qoraleed. Madaamo farta la igu daray waxna aan ka faa’iday. Waxaan dhaxal siinaya qormadani inta qalinka igaga horeysa, si ay usii balaadhiyaan afkaarteyda, waxna iga reeban, hal
xarafna ha noqdee in ay ii sheegaan qaladkayga dhanka qoraalka.
Intaas afeef iyo hordhac dheh, sheekadu waxay na odhaney saa sidan;


Beri hore ayaa waxa jiray Odey faqiir ahaa oo da’diisu ahayd ilaa sanno jir, nolol aad u daran
ayuu ku noolaa, xaaladiisa aadka u xun ayaa waxa ka damqaday oday maqaaxi haystay,
maqaaxidaas oo lugu iibin jiray maan dooriyaha jaadka loo yaqaan, odaygii wuxuu shaqo ugu
dhigay inuu jeex jeexo xidhmooyinka jaadka ah ee lagu iibin jiray maqaaxidiisa.
Wuxuu shaqadaa wadaba, beri danbe ayaa loo sheegay islaan duq ahayd oo eddo u ahayd in ay
xanuusanayso oo sakaraad tahay, islaantii ayaa waxay ku dar-daarantay in odaygii dhaxlo, islaantii
ayaa dhimatay, waxa dhaxalkii lugu wareejiyey odaygii faqiirka ahaa.


Odeygii waa is badalay, dhaxal aad u badan ayuu helay, wuxuu eegay lacagta uu haysto iyo
cimrigiisa inta u hadhay, wey is qaban weyday, waxa dhinac u batay lacagta uu dhaxalka u helay,
cid uu uga tago dhaxal ahaan ma jirto. Xisaabtii ayuu ku noqday wuxuu is yidhi intee inleeg ayaad
sii noolaan kartaa, wakhti yar ayuu goostay inuu sii noolaan karo.
Maalin ayuu arkay Wiil iyo Gabadh yar oo sheekaysanaaya, su’aalo ayuu weydiiyey MA IS
JECESHIIN, MA JECLAAN LAHAYDEEN INAAD IS GUURSATAAN, IYO QAAR KALOO BADAN.
Jawaabo HAA u badan markii uu helay ayuu la jeclaaday lacagtii inuu isugu guuriyo, guri ugu dhiso,
meherad ugu abuuro. Muddo ka dib markii uu gurigii labada mucaashaq u yagleelay ayaa odaygii
waxa gabo gabo ka noqotay lacagtii.
Wax yar ka dib lacagtii ayaa dhamaatay, waxba uma soo hadhin. Imika odaygii aad ayuu u sii
gaboobay ma awoodo hadii uu xataa heli lahaa shaqadii berigii hore inuu ka sii shaqeeyo.
Dulucda sheekadu waa:
Dadkani qofbey doorten, se qoys kolba laba la isku dhiso iyo reer dhan oo sidii boqortooyada xilka
wada haya, Umay codeyn maalintay bacadka kuu taagnayeen. Waxa kaloo mid aan la iloobi Karin
ah.
Dalkani markay xiniintiisi dhimatay, ayuu waraabe kastaaba haweystey hogaankiisa.
(AHUN MADAX-WAYNE M. X. IBRAAHIM CIGAL) markuu noola mu hawaysan jirin xilka uu manta
hayo.



Isaga iyo qaar badan ba way ka haajireen intuu ma jaraha umada u hayay marxuunku.
Hadii aad dhaadatid qormada sheekadan, aadna usii dhuuxdid waxa aad ka dheehan kartaa
marxalada dalku manta ku sugan yahay, iyo maawelada madaxdu inoo matalayso. Ee malinba meel
lagu murmayo sida mudo kordhin wanqasheedi iyo axankeediba golaha guurtidu meel mariyeen.
Hadaba si aynu u fahano sheekada, waa ineynu soo qaadana tusaale la odhan karo waa ay is noqon
karaan. Wana shaqsiga ugu sareeya xukumada, oo maanta jooga da’da aynu ku soo qadan doono
sheekadan. Inagoon badheedhaha kala gabanayn, waxaad ku arki kartaa dhaliilo uu
xambaarsanyahay dhambaalakani, kuna qotoma xidhiidhna la leh xukumada iyo madax-waynaha
laftiisa.
Magacaabista maalin walba taagani ma maaraynta danaha bulshadaa mise waa manfac doon. Garan
maayo aniguye idinkaan idiin dhiibay.
Odaygu waa gadhwadeenka xukumada, kaa si oo markuu qabsadey xilka, siduu wad kiisa ogyahay
iney kaga dhantahay ( ) shanta sano, bulshada ku beerlaxaw sadey hadaladan. “MAALIN LA IGU
DARI MAAYO”

Xalka sidaan u arko:
“Abidkeyba axsaabta qaranka iyo ruux isa sharaxay uma ololeyn. Sababtuna waxay tahay wali maan
arag, nimaan idhaa wuu uqalma inaad siiso codkaaga, manaan ilaabin inaan xaq u leeyahay in la
idoorto iyo inaan wax doortaba.”
 Geenyaale
Shacbiga oo u hogaansanaada xeerarka iyo sharciga dalku, waxay horseed u tahay iney helaan
waxay ku hanwayn yihiin .
Muwaadiniinta oo garta xaqa lagu leeyahay iyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin.
Taasina waxay wadiiqo u tahay in la helo hal-doorkii dalkani majaraha u qaban lahaa. Horaa loo
yidhi; “Haani guntay ka tolantaa”
Bulshada leh hami iyo himilo iyo hiigsiba waxay heli karaan, hogaamiye ay ku ladaan.
Waan ogahay oo maan sheegin xalka lagu toosin lahaa xukumad qalooc galay. Se anuu waxaan eeda
saarayaa mar walba umada reer Somaliland oon u bisleyn, sharcigu wuxuu yahay iyo dawladi
waxay tahay.

Yaa xaq uleh in la doorto;
Anuu sidaan qabo nin xorka ah qabyaalada, aqoona leh, xogta shacabkiyo ka dharagsan xeerkiyo
sharciga dalka lagu maamulo.
Ma jirto qoraalada dan aanka leeyahay oon ahayn jiilka danbe uga tag tariikh sugan.
Waxaana wanaagsan in qalinka la wada adeegsado, waliba dhanka wanagsan.


Qorista maqaaladuna waa sidii aan u noqon lahaa qoraa dhadhan iyo dux leeyahay qoraalkisu.
Sixida qalad kaygu waa dhiirinta qoraalkeyga, akhriste waxaan kaa codsanaya inad wixii talo iyo
tusaaleyn ah ee ku waajahan qoraalkeyga, igu soo hagaaji halkan.

Maalkan waxa la qoray 2015/6/20

Mustafe A. (Geenyaale)
Suxufigenyaale@Gmail.com

Hargeysa-Somaliland

Dhiirigalin iyo Baraarujin

Qormooyin Baraarujin Dhiirigalin iskugu jira.



"Ina adam waxa dunida loo keenay inuu ka faa'ideysto fursadaheeda ugana shaqaysto noloshiisa iyo timaadada akhiro wuxuu illahay la hortago, iyadoo ay sidaa tahay waxaan idinku dhiirigalinayaa inaad la daristo naftaada ogaato waxay Ku fiican tahay si aanad ugu xiiqin xirfada aad qabanayso ama aqoonta aad dhiganayso.
Waxa jira dad uu Ku dhaco xanuunka la yidhaa isgaran waa kuwaasi waxay halis u yihiin inay dhintaan iyagoon ogaan hibadooda iyo hal-abuurka naftiisa Ku jira, si aanad kaa u noqon garwaaqso hankaaga baadigoob nolol sareedo iyo samaha Ku taamaysa"

"Ha ka joogsan horumarka iyo hilinkaad jeexatay waayo aduunyada waxa loo abuuray adamaha adamuhuna waa inuu isticmaala awooda aduunyada korkeeda saaran"

"Ma jiro nimay dantu liidi u doortaaye
Dadaal ayaa lagu kasbadaa darajada illaah iyo mida dunidaba"


Maaha sidey dadku Ku arkaan hayska dhexdaawan ruuxna.
Hadaad iska dhexraadiso mid gabigiisuba taban ogow geedkaa gaadhimayside.

Hadaad tahay ruux falcelintiisu taban tahay si dhakhso ah isu badel,
hadii kale guuli waa wali ogow intaad dadka guushooda jeceshaha adna guushu kuu jirtaaa.

Waxaad tahay qof jeexdey daw cad marayaa nolol qorsho leh dhagta haw dhigin waxay dhurayaan.

U adkeyso dhibtooda hadhawbay ku arkaan dahabe.


W.Q.Dhiirgaliye Geenyaale

Hargaysa-Somaliland


Maansadii: Duunyo Maaha Cashaqu

Maansadan waxaan curiyey 2004 anigoo ku jira dugsiga dhexe waxana la yidhaa
“Duunyo maaha cashaqu”

Sida tahay daruuriyo
doog soo baxaya
waad daymo wacantee
dabeecad aad u dhalatiyo
dadnimaad leedahay
daayin kugu deeqay.


Duunyo maaha caashaqu
daaro lagu dhistaayo
dasas laguma gado’e
dadka wuu u daran yahay.


Adna daawadeydaay
halbawlaha dushiisiyo
wadnaha daris la noqote
kuma dayn karaaye
dawgeen ku maraa
maan soo dawaafa
dawadeydii noqotee.

Saturday, December 26, 2015

Qormooyin Goo Goosa

Hogaaminta Wanaagsan 


-------------------------------------------------
                                                            02/May/2014           


Hogaamiye Fogaan arag ah, aanse ahayn gadaal arag, waa ka kaliye lagu gaadhi Karo horumar dhankasta leh.
"Hanaanka iyo geedi socodka hogaanka hagaagsani, waa hormoodka hogaanada, umada horumarkeeda,dalka hiigsigiisa helida aqoonsiga"
Han yeelo dhibatada kuu muqata adiga ayaa saari kara, waayo anigu ma arkayo, ama si kale ayey igu muuqata waayo isku aragti ma nihin. Mushkilad kasta way wada arkaan mufakiriintu se xalka isku si uma wada arkaan. Yeelo yididiilo iyo kalsooni go'aan qaadasho Ku dhiiro inaad noqoto Hogaamiya wax badela. Lana tilmaansado laga dhigto hal-door la hiigsado.
La hadal maankaga, Muuji wanaagaga si aad u noqoto mid guulaysta dhoola cadee marwalba, lakiin doqon ha noqon qariya nimcada illahay Ku mahad naq marwalba. Maamul oo maare noloshaada.

Ogaanshaha Hibadaada

                                            25/Jun/2013

"Mooganaanta awooda shakhsigu waxay horseeda, barakac iyo ka qixid xaqiiqada qofkuu yahay. Taaso la odhan Karo wuxuu noqdaa qof aan dhanaba u jeedin, lana garaad ah hadba inta gasha calooshisa, jiif aan wakhti cayiman lahayn, iyo iska soo toos bilaa qorshe ah. 
Barida hibadaada iyo rabitaanka iyo u hiloobidiyo hiigsiga guushada, waxa kaabe u ah iyo wadiiqo loo maro, garwaaqsiga iyo cisaynta nafta, fikirka togan iyo samaysiga qorshe qoraal Ku qaabaysan oo adiga kuu gaara."
Geedi socodka noloshaada uga faa'ideyso awoodaha rabi kugu gadaamey kuna manaystay guduhaaga nafeed.

"Hore u soco naftii Ku leh 
How raadin hagardaamiyo
Wax hoos u dhigaaya
Hibashada xasuusnow
Halkaad jamatey waagii
Hiigso meelka durugsan
haw jabin cadaawaha
Ka hadh ma hindisaha
Hal-abuurka halabso
Halka ayku caweeyan
Iyaga hogaanee
Ha sideynin waligaa
Hoygaad dageysiyo
Ha hilmaamin dalkaga
U hami hadiyo goor
U hawl gal horumarkiisa"
"Waxaad tahay tijaar hadaad garato hibadaada waayo waa ta kaliye Ku dhaxal siisa guushada, iyadoo kuu samayn karta nolol  farxad leh. Tusaale:- Hadii aanad ku farax sanayn shaqadaada ama waxaad baranayso guuli kaa dheer. taasi macnaheedu waxay tahay farxada hore ayaa wadata guusha danbe.  Garwaaqso naftaada isu qir inaad tahay qaali hibadiisu qiimo leedaho loo riyaaqo. Dadkan oo dhami adey Ku rajeynayaan adiga hada adiga ka kac meesha iyo hoosaynta,  kasbo inay Ku hoos timaad riyadaadu noloshaada hogaanka u qabo"

Qormooyin kani kala jaadka ah hadana waxaad mooda inay bah wadaag yihiin, iyadoo ay sanado kala fog la qoray hadana way is shabahaan. Waxaan qori jiray wakhtiyadaa qoraalo koob kooban sida ka muuqata hada. Waan hubaa inay wuxuun ka anfici dooanan hadaad ila dhugatey aadna u dhuuxdey mahad sanid akhriste.

(W.Q.Dhiirigaliye Geenyaale)

Ha Tahriibine Tuuji Maankaga

                                                
                Ha Tahriibine Tuuji Maankaga

         ----------------------


               (W.Q. Dhiirigaliye Geenyaale)

"Nimuu daayin darajeynaayo dalkiisu duunyo Ku siiya, nimuu ka daadinayana doonibuu saara dakeysa bad wayn dusheed"

Maaha waxaad u nooshahay yurub, se way ka fac wayntahay noloshadu mid lagu qiimeeyo dalkaad joogto. Hadaa maxaan u noolahay? Alle wuxuu Ku abuuray inaad kalidii caabudo, Hadii aad yeesho sidaa alle wuxuu sheegay inuu adoomadiisa abaal marin ay Ku farxaan uu siin doono. Hadii ay tahay waxaad u nooshahay jano mahaysa dariiqeegii?
Marka hore waxad tahay qof muslima oo tukada Shanta saladood, waxaad tahay qani hadaad saka tukutay labada ragcadood ee ka horeeya salaada subax, waayo waxay ka qiimo badan yihiin aduunka aad joogto. Waxaad aaminta inuu alle siduu doone yeele yahay, ruuxa talo saartana if iyo akhiraba libaanayo.
Fikir kaagu ha ahaado mid isbadel leh kuna qotoma degaanka aad Ku nooshahay. Sababtoo ah haka fikirin wixii dhacay, kuwa dhacaya hana isku xiijin wax Bari hore la qorsheeyay. Alle ka Bari waxaan dhicin oo khayr leh mustaqbalkaga si aad u noqoto mid guulaysta.
Waxaad haysata fursad waayo alle baryadiisu waa fursad ay helaan inta alle garansiiyo. Hadii aad u fiirsato abuurida alle waxaad heli cilmi badan, hadaad eegto hada naftadaa waxaad garan qirina doontaa awooda illahay Ku siiyey iyo waynida rabi. Ha yareysan waxaad u nooshahay maaha inaad yurub tagtee.
Wax walba waad awooda ha seexin caqligaaga, dadka indhaha iyo caloosha wax ka arkaa way guuldaraystaan. Alle ayaa inagu manaystay caqli aan la siin makhluuqaadka kale. Caqligaaga u adeegso siduu Nabigu amaanay NNKH.

Friday, December 25, 2015

Han Sare iyo Garwaaqsi Nafeed

Han sare iyo Garwaaqsi nafeed
--------------------------------------------------------

MUSTAFE AXMED (GEENYAALE)
SUXUFIGENYAALE@GMAIL.COM
30/oct/2013
-----------------------------------------------------------
Hadhka maalineediyo
habeenkii waxaan
haybiyaa samaha
Hadaad hesho guul
Hamabalyadaan dira
Hadaad is hilmaanto
Adaan Ku hawlgala
Intaa Ku hiirtaamaya
Adna waad iga heshaa
Sidaan hiilkugu ahay
Dhiirin ban Ku hibeeya
Hubaal runta Kugu sada

Hadaad ii qirayso
Waxan ahay halyey
Jecel horumarkaaga
Waxan ahay hanad
Haybiya wanaagaga
Inta hadheyna geesi
Adaan Ku hanbeeyay
Hawraarsan gaariyey.
MANSADII (DHIIRIN) “DHIIRIGALIYE GEENYAALE”

Ruux han sare lihi ma hungoobo hadimada iyo halisaha uu umarayo guusha wuxuu u arkaa dawgii uu ku gaadhayey hiigsigiisa, waxanu ka door bidaa markey dhamaadan dhibta uu qaabilay waxay soo baxayaan oo uu ka rajeeyo timaadadii/mustaqbalkii uu sugayey. Ma jirto guul ku timaad dhib la’aan,hadii aad aragto guuldaro waxa ku xiga guushii oon wax kale u dhaxayn iyada iyo guuldarada.

“Inaad hamido nolashaada Ku dhisan
 inaad yoolkaga ka dhabaysana halis iyo dhibay leedahay
 inaad dhabar adeygtaana guusha dhabadeeda weeyaan” “GEENYAALE”

Wuxuu baadi goobayaa nolol badhaadhe leh bad wayn bu Ku biimaynayaa naftiisa, isagoon is baranbuu iska boodayaa buufis buu qaba buuxiyey xiskiisa wuxuu baylihiyey tiisii tukaluh Ku baanayaa inuu Baal dahaba ka galidoono, wuxuu moogyahay inuu baadi Ku sugan yahay, wuxuu rabaa badbaadin waxa ka seexdey oo birkimada dheeraystay maankiisi fikiri lahaa dhalin lahaa waxuu dheefsado dadkuna dhaxlaan damiirkaa dhintay. Maaha daruuri inaad noqoto qof jidh ahaan qurux badan, aduun ahaan maal badan, mansab ahaana magac dheer, dall ahaana isku filan. Se waa inaad noqoto ruux maskax ahaan iyo fikir ahaan xor ah curin/hindisi Kara wax randhiis u leh bulshadiisa.

Noqo ruux haduu diri dago iyo haduu gacmo madhan yahayba dhisan Kara nolol sees iyo taxad leh oo Ku badhaxtiran diintiyo dhaqanka, waa inuu ku dhaata wanaaga iyo samaha dalkiisa. kana fikira bulshada horumarkeda kuna taama inu gaadho halku joogo meel ka dheer isagoon hilmaamayn inay dantiisu Ku jirto danaha bulshada ay isku doonta rabi ka dhigay. Waa inaad ka fikirtaa maxaa ka dhiman se ha odhan maxaa la ii qabatay se la isoo wada. Ha isku halayn ruuxna waayo adaa kasbana Kara maanka dadka fikradaha togan, Isu qir inaad tahay qof qaaliya aduunyadu u baahan tahay nolashiisu qiimo u leedahay bulshadiisa. Isu qir inaad tahay qof dhalin Kara dhaqaajin Kara dhidibada u taagi Kara nolol cusub oo tan dhaanta, noqo ruux u dhabar adeyga dhibta waa xaqiiqo inaad guusha hanan doonto hadaanad is dhiibin waayo dhabada guushu waa inaad adkaysi yeelato iyo dulqaad badan dhibaatada waa inaad Ku dhoola cadeysaa guushana Ku faraxdaa. Ha qancin hadaad qarfiyo Ku nooshahay meel qalalan yurubtuba marbay ahayd qaarad qatane markey gaajadu qabateey maskaxda maaleeno qorshiyo samaysteen waxay quutan.

Adiguna qof baad tahay qaadir ka dhaliyey dad khayr badane qayrkood ma tihidoo waad ka qiimo badan tahee samo iyo quruxiyo nolol qabwayn baan qalbiga Kala jecelahay. Qaab kaad u nooshahaan raba inaan kula qorsheeyaye aniguba qiray inaad qiimo leedahee maxaa bustaha Ku qooyay, ee qafilka Kugu xidhiyo qardhaasta tahriibka. Ma tihid qalfoof iyo quraarad aan hadlayne inaad wax qaban kartaan kuu qeexayaaye quraan kiyo waxay Ku taal qawlka eebe ha ka quusan rajada rabaa qalimada hayee. Waxa jira maalin aad aad sugayso se manta ha ka quusan kana dhigo inay tahay tii aad sugaysay si ay kugu wacnaato. Hana qawadin waxaad qudanayso hana qoomamayn qadar dhacay shalay. Arkaanu imaanka ayaad ku rumaysay qadarka waa inaad ku xamdiada dhibta iyo dheeftaba.

Waa quban aduunyadu qarniyo soo taxneeydo intaa way qabri galaysay qaarna dhalanayeen, waana sidii loo abuuray inay Taranto qaarna akhiro ama dhulka hoostiisa/qabri tagaane, qisooyin wax lagu qaatiyo waa taarikh qaamuska gashee adiguna qofyahow damiirka qanjiidhi waad hanan kartaa qiyamka nololeede. Hibooyinka quusay gudaha nftaada ee ku dhex qamiiray maanka banaanka ku soo qub xata hadey sidii qolof diin qalafeen ha quusane ku dhiiro inaad ictiraafto naftaada, garwaaqso hankaaga. Waa inuu ku qeexnaada qorshe nololeedkaagu si aanad uga halabin dariiqa hiigsigaaga yoolkaga meel ku muuji hadii aad himiladu waxay ku farayso aad sida ugu haboon ugu dhaqaaqdo waad gaadhi halkaad jamatey.

Waxaan ku gunaanadaya qormadan kooban inaynu u dalxiis tagno nafteena gudaheeda ogaano diidmadeeda iyo doonideeda ogaano waxay ku fiican tahay iyo waxayna ku ficnayn, ma jiro qof dunida korkeega bilaa hibo nooli ruux walba waxba ka dhex gurxamaya oo maankisa dhex goosha isla markaana waa inaynu ku dhiirano soo bandhigida hibooyinka alle inagu galadey. Hadii aad naftaada u istaagto, samayso nolol qaab dhismeedkeedu ku dhisan yahay diinta islamka lehna dhiirasho iyo fikir curin ku dhaqaaqid ka dhab sheegid yididiilado, ka dhalaalid meeshu ku dhago/damco. Waa inaad noqdantaa saddexdan, dhaliye,dhaqaajiye,dhidbe/bartaas ku haye, waad guulaysan waxaad noqon ruux la haybiyo halkuu joogo hadiyo goor.

Qoraalku waa ma guraanka lagu bulsha kastaaba ka dhawrto dhaxalkooda waana xirfadaha ugu qaalisan aduunka mana gayaan minguurin iyo akhrin la’aan midna,waxaan ku dhaafaya wixii talo ah igu dir sumada hoos ku xardhan.

MUSTAFE AXMED (GEENYAALE)
GENYAALE@FACBOOK.COM
SUXUFIGENYAALE@GMAIL.COM

#2015octDMG

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...