Xigmadiyo
Waxtarka Guurka
Dhiirigaliye
Mustafe Axmed (Geenyaale)
October
20/2015
Dhamaad
Alle swt
waxa uu inoo soo dajiyey qur'aan aynu isku maamulno, kuna dhaqano inteena
fikireysaana wax ku qaadato.
Ayadaha Ku
soo aroorey guurka hadeynu mid mid u soo qaadano ka gayoon mayno se waxaynu wax
ka tilmaami doona dhawr ayadood. Alle swt wuxuu yidhi:
قَالَ
االلهُ تَعَالَى: {فَانكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ النِّسَاء مَثْنَى وَثُلاَثَ
وَرُبَاعَ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلاَّ تَعْدِلُواْ فَوَاحِدَةً} {سورة النساء: 3}.
(Dumarka wixii idiin dhadhamaya laba
labo, saddex saddex iyo afar afar u guursada, haddaad ka baqdaan in aad
garsoori weydaanna mid keliya guursada) (An-Nisaa': 3). Haweenku waxay ka
hinaasaan xukunka alle marka xaqiiqada la is dul taago. Se ragu ha cadaalad
sameeyaan waaney jirta rag badan oo Ku guul dareystay xasaska cadaaladooda. Si
aynu u haleelno jidka hanuunsan ee alle swt mariyey kuwuu u nimceeyay, waa
ineynu qadanaa kuna dhaqana xukunka alle. Alle swt wuxuu yidhi: Dhawrista
Faraca iyo nooca Aadanaha:
قَ"الَ
االلهُ تَعَالَ"ى: {يَ6ا أَيُّهَ6ا ال6نَّاسُ اتَّقُ6واْ رَبَّكُ6مُ الَّ6ذِي
خَلَقَكُ6م مِّن نَّفْ6سٍ وَاحِ6دَةٍ وَخَلَ6قَ مِ6نْهَا زَوْجَهَ6ا وَبَ6ثَّ
مِ6نْهُمَا رِجَ6الاً آَثِي66رًا وَنِسَاء} {سورة النساء: 1}.
(Dadoow, ka baqa Rabbigii naf keliya "Aadan" idinka abuuray, iyadana
lammaanteedii "Xaawo" ka abuuray, labadoodana rag fara badan iyo
dumar ka baahiyay) (An-Nisaa: 1).
Guurka iyo
dhisidda qoysku waxay dhawraan nooca Aadamaha iyo faraciisa (tafiirtiisa),
waana waddada keliya ee jiritaanka abuurka Aadamaha lagu ilaalin karo. Sidoo
kale waa dariiqada qudha ee ay dadku ku tarmaan, ilaa iyo inta uu Alle arlada
iyo waxa dul saaran ka oofsanayo, taasi oo ah maalinta Qiyaame. Qur'aanka kariimka
ahi xikmaddaas bulsheeyd iyo maslaxaddaas bani-aadannimo isagoo tilmaamaya
wuxuu yiri:
{وَااللهُّ جَعَ6لَ لَكُ6م مِّ6نْ
أَنفُسِ6كُمْ أَزْوَاجً6ا وَجَعَ6لَ لَكُم مِّنْ أَزْوَاجِكُم بَنِ6ينَ
وَحَفَ6دَةً وَرَزَقَكُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ أَفَبِالْبَاطِلِ يُؤْمِنُونَ
وَبِنِعْمَتِ االلهِّ هُمْ يَكْفُرُونَ} {سورة النحل: 72}.
(Alle wuxuu idiin sameeyay xaasas idinku nooc ah, xaasaskiinnana wuxuu idinka
siiyay ubad iyo farac, wuxuuna idinku galladaystay irsaq wanaagsan, ee ma waxay
rumaynaan been abuur "Ilaahyo aan jirin", nicmadii Allena miyay ku
gaaloobayaan) (An-Naxal: 72).
Sidaas darteed, waxaynu Qur'aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabiga (NNKH)
labadaba ku aragnaa xikmad fara badan oo qofka inuu Guursado ku boorrinaya kuna
dhiirigalinaya inuu hamiyo una hanqal taago hoy dhisid. Cabdullaahi
Ibnu-Mascuud (ARHN) wuxuu Nabiga (NNKH) ka weriyey: Xadiis macnihiisu ahaa. (Dhallinyarooy,
kiinnii guur awoodaa ha guursado, maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool
ibtana waa u dhufays, kaan awoodinna ha soomo. Soonka ayaa shahwada ka jebinayee)1
. Aanas ibnu Maalik (ARHN) wuxuu isna Nabiga (NNKH) ka weriyay: Xadiis
macnihiisu ahaa. (Guursada mid ninkeeda jecel oo dhalid badan, qiyaamaha ayaan
isku kiin badinayaa, rasuulku NNKH wuxuu
jecelyahay umada ugu badan umadaha kale iney noqono.
Se inagu
ma jecelnahay inaynu noqono sidaa? Maya ayaan qaba waayo maynu adkeyneen
guurka, hadii si loo eego dadkeenu waxay wax ku bixiyaan dhaayo guudkood hadba
waxay arkaan hase ahaate ma fiiriyaan qofku waxa uu gayo iyo waxa uu gudo,
maanso heesed uu sameeyey hal-abuurka magaciisu yahay Xasan dhuxul laabsalaax, ayeynu dhawr tuduc ka soo qadan doona.
“Inkastu go’
cawlini
garabkiisa sudhan yahay
yaanu waayihii gabay
ku odhan gob maaha”
Waxaan uga goleeyahay Aabe iyo Hooyo caruurta isu hibeeya hanti waxba tari
maysee. Idinkuna dhalinyarooy ku dhaca
guurka, una badheedha arimihiisa
sheekaad ku haysaaye xaqiiqada taabta. Waxa jirta xigmad ku sheeg ku saabsan
guurka oo tidhaa “Guurku marka hore wuu sina dhuuban yahay marka danbena wuu
sina balaadha” Waxaba kama jiraan
arinkaa sunaha nabigu NNKH horeyso iyo danbeeysaba dhib male yaan la inagu
sirin hadalada maan gaabka.
Waxtarka
Guurka
Guurku waxa uu leeyahay faa’iidooyinkan. Ubad kaa hadha, Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa
sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar gu’in. Ubad
dhalista ama dhalmada bani’aadamku waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala
ah:-
1: Inaad ku doontid
raallinimada alle SWT. Maadaamod gudatey sunihii rasuulka NNKH siina adkeysay
jiritaanka adaamaha
iyo islamka.
2: Inaad ku doontid
raallinimada Rasuulka (NNKh). Inaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada
ummaddiisa ugu faani laha.
3: In Eeebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu shafeeco qaada
markey siqiiraan kuna soo duceeya markaad hoyato ama alle ku oofsado.
4: Inaad ilaliso jiritaanka umada iyo aduunkaba si uu islamku
ugu sii bato
Hadeynu
inyar oo kale ka sii bidhiiqino waxtarka guurka waxaynu odhan karnaa sidan:
Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:- Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo
helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba
maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe, ooy iyada iyo
naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo
camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula
baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
Sidoo kale Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:- Nafta
ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada
waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga
yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid
sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku
tarbiyeysid waddada toosan, iwm. Waxaas oo dhami waxay kamid yihiin
faa’iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo.
Nabigeennu (NNKH) waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin
Qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey). Ma soo
koobi karno waxtarka guurku u leeyahay dunida iyo umada islamka ah, se waa
inaad maanka ku haysaa “Waari mayside war hakaa hadho”.
Qoraalku
waa shayga ama waxqabadka ay quruumaha horumaray heerku gaadhsiyeen
jiritaankooda aqooneed iyo afafkooda. Shay
walba waxa uu leeyahay bilaw iyo dhexeed dhamaad gunaanadka qormadan iyo
gabagabada intey aqoontey ahayd waxaan ku gaabshey guurka hala badsho,
dhiirigliye aan ahay awgeed ayaa igu kaliftey inaan idiin soo qoro maqaalkan
qoraalkana aad uma aqaan sidaa awgeed waxaan ka cudur daaranayaa hadaan wax is
dhaafshey hala iga saxo bahda qoraalka iyo inta aqoonta leh ayaan arintaa u
daba fadheystey ka talo bixinteeda.
Akhriste waxaan kugu dhiirigalinayaa
inaad ii sheegto dhaliisha qoraalka waayo waxay igu rideysaa wadada guusha
“Dhibta waxaan u aqaan dhabada guusha loo maro, dhaliil qaatuhu waa guulaystaha
dhaw” igu hagaaji halkan wixii talo iyo tusaale ah mahad sanid.
Qormadan waxa la qoray dhamaadkii gu'gii 2015/oct Waana qaybti igu dambaysay.
Dhiirigaliye
Mustafe A.(GEENYAALE)
Facebook@Dhiiriye
Mustafe Geenyaale
Copyright
© Ardaaga-geenyaale.blogspot.com, All
rights reserved