Monday, January 4, 2016

Mansadan waxaan curiyey 2008
Ulajeedkedu wuxuu ahaa sugaanta sii liigaysa (dhimaalka).


maba sii sugaayo
ilayn way sal guurto
suxufiyiin dhawaaqdiyo
suldaan curiyey lahayd
saraakiisha gabaydiyo
sarbeebaha hagooganiyo
silan sugan bay lahayd

sadarada xigmadiyo
sawdad ka cajiibkiyo
luuq saafiyey lahayd

hablo timaha soohdo
subeeciyad xidhoo
saf saf loo jareeyo
sacab tumaayey ahayd
gabdho wada siraato
sagal hooray moodo
xariir suuban bay lahayd


sidoodi lawaayo
si kalaba socotee
dumarow saluugiyo
iska daaya salowga
samir yeesha waligiin
sahan weeyi raguye
idina waad sugaysaan.

1 comment:

  1. Is Baccarat a Scam or Legit? | FBCASINO.COM
    There are several casinos in Canada that provide baccarat and betting games 1xbet korean that offer the best odds. You kadangpintar can use 바카라 the roulette table to

    ReplyDelete

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...