Wednesday, January 27, 2016

Maansada

Waxan curiyey 2008

Carigaygu waa nabad
ciideydu waa hodan
calankaygu waa dahab
midibyo kala cudoon
midba caynad yahayo
cisi iyo sharafbeey
u hayaan cidiisuye
ciiri mayo waligii

Aan cayimo jaadadkisa
midabkaa casaanki
colaad weeyi dhiigiyo
caqabado na dhaafo
lagu caabiyey cudud

Midabkaa cadaanki
nabad iyo caano weeyi
ku cawayno hadee
caadil ban ku mahadina

Wixii curad u go’ay iyo
halayeyadii  u curyaamay
qaarna ciida hoosiyo
akhiro u caraaben
xidigtaa u calaamada
Citirafkiyo iman raba
barwaaqada carigayga
waxa u calaamada
tawxiidka culusiyo
midabkaa cagaarka ah
waxba yey cadceediyo
ila gaadhin cishahe
ku cag gooyey heestii
calankeena nuur ka leh
cimrigii rabow raaji.

No comments:

Post a Comment

Badbaadinta naf iyo maal waa isbiimaynta iyo halis u badheedhidda Ciidanka Dabdamiska. Qaybtii ugu dambeysay

 Dabka kaymahu waa waxyeelada ugu wayn ee uu gaysto dabku. Dabka ka kaca  kaymaha damintiisu waxay qadataa dakhli,tamar iyo wakhti badan, wu...