Maansadan waxaan curiyey 2008
Ulajeedkedu wuxuu ahaa haweenka oo xiligaa xaladooda dhaqan aan ka dayriyey.
Ulajeedkedu wuxuu ahaa haweenka oo xiligaa xaladooda dhaqan aan ka dayriyey.
Hadba saaca joogaan
Su'aalaa nafteyda
Idhaa sugaani meday
maba sii sugaayo
ilayn way sal guurto
suxufiyiin dhawaaqdiyo
suldaan curiyey lahayd
saraakiisha gabaydiyo
sarbeebaha hagooganiyo
silan sugan bay lahayd
Sadarada xigmadiyo
sawdad ka cajiibkiyo
luuq saafiyey lahayd
Hablo timaha soohdo
subeeciyad xidhoo
saf saf loo jareeyo
sacab tumaayey ahayd
gabdho wada siraato
sagal hooray moodo
xariir suuban bay lahayd
Su'aalaa nafteyda
Idhaa sugaani meday
maba sii sugaayo
ilayn way sal guurto
suxufiyiin dhawaaqdiyo
suldaan curiyey lahayd
saraakiisha gabaydiyo
sarbeebaha hagooganiyo
silan sugan bay lahayd
Sadarada xigmadiyo
sawdad ka cajiibkiyo
luuq saafiyey lahayd
Hablo timaha soohdo
subeeciyad xidhoo
saf saf loo jareeyo
sacab tumaayey ahayd
gabdho wada siraato
sagal hooray moodo
xariir suuban bay lahayd
Sidoodi lawaayo
si kalaba socotee
dumarow saluugiyo
iska daaya salowga
samir yeesha waligiin
sahan weeyi raguye
idina waad sugaysaan.
si kalaba socotee
dumarow saluugiyo
iska daaya salowga
samir yeesha waligiin
sahan weeyi raguye
idina waad sugaysaan.
W.T.Dhiirigaliye Geenyaale.
Hargeysa-Somaliland
Copyright © Ardaaga-geenyaale.blogspot.com, All rights reserved
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment