Waxan curiyey 2008 waxana la yidhaa "Ciidaydu waa hodan"
Carigaygu waa nabad
ciideydu waa hodan
calankaygu waa dahab
midibyo kala cudoon
midba caynad yahayo
cisi iyo sharafbeey
u hayaan cidiisuye
ciiri mayo waligii
Aan cayimo jaadadkisa
midabkaa casaanki
colaad weeyi dhiigiyo
caqabado na dhaafo
lagu caabiyey cudud
midabkaa casaanki
colaad weeyi dhiigiyo
caqabado na dhaafo
lagu caabiyey cudud
Midabkaa cadaanki
nabad iyo caano weeyi
ku cawayno eegaba
caadil ban ku mahadina
nabad iyo caano weeyi
ku cawayno eegaba
caadil ban ku mahadina
Wixii curad u go’ay iyo
halayeyadii u curyaamay
qaarna ciida hoosiyo
akhiro u caraaben
xidigtaa u calaamada
halayeyadii u curyaamay
qaarna ciida hoosiyo
akhiro u caraaben
xidigtaa u calaamada
Citirafkiyo iman raba
barwaaqada carigayga
waxa u calaamada
tawxiidka culusiyo
midabkaa cagaarka ah,
waxba yey cadceediyo
ila gaadhin cishahe
ku cag gooyey heestii
calankeena nuur ka leh
cimrigii rabow raaji.
barwaaqada carigayga
waxa u calaamada
tawxiidka culusiyo
midabkaa cagaarka ah,
waxba yey cadceediyo
ila gaadhin cishahe
ku cag gooyey heestii
calankeena nuur ka leh
cimrigii rabow raaji.
W.T.Dhiirigaliye Geenyaale
Alla mahad leh
No comments:
Post a Comment